Archive for May, 2012

Shirkadda Ganacsiga Ee Oomaar Oo Hotel Weyn Oo Casri Ah Ka Hirgalisay Badhtamaha Magaalada Burco

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Burco(Somaliland.Org)-Shirkadda Caalamiga ah ee Oomaar ayaa Hoteel cari ah oo sanadadii u danbeeyay dhismihiisu socday ka hirgalisay xarunta gobolka Togdheer ee Burco ,gaar’ahaan badhtamaha magaaladaasi.

Ururka NOW ee Togdheer oo doortay Hoggaan cusub

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Burco(Somaliland.Org)--Ururka haweenka Qaranka Now ee Gobolka Togdheer ayaa maanta hogaan cusub doortay waxaanay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku Xigeen ukala doorteen Deeqa Cismaan Siciid oo Gudoomiye loo doortay halka Amaal Cismaan Maxmuud loo doortay G/ ku Xigeen.

Raysal Wasaaraha Jabuuti oo Meeqaam sare ku soo dhaweeyay Weftigii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Jabuuti (Somaliland.Org)- Raysal wasaaraha dalka Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirradda ee jabuuti ayaa maanta si diiran ugu soo dhaweeyay madaarka Jabuuti weftigii uu Hoggaaminayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal shaqo ku jooga dalkaasi. . Weftigan uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland [...]

Madaxweyne Ku xigeenka Iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo socdaal ku tagay Jabuuti

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somalilnd Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayliici) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay madaarka Berbera una kicitimay dalka Jabuuti. Ka dib markii martiqaad rasmi ah uu ka helay Raysal wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Md. Dalayta Maxamed Dalayta.

Ogaysiis xus Duco ah oo Marxuum-C/Shakuur Sh. Cali Jawhar loogu qabanayo Toronto

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Waxa dhammaan jaaliyadda Somaliyeed ee deggan Toronto iyo nawaaxigeeda lagu martiqaadayaa inay ka soo qaybgalaan Xus, Duco iyo Baroordiiq loo samaynayo Allah ha u naxariistee Dr. Cabdishukur Sh. Cali Jowhar oo shil baabuur ku geeriyooday bishan May 12keedii jidka u dhexeeya Dila iyo Boorama.

W/Hawlaha Guud Ee Togdheer Oo Ka Hadashay Qodobo ay ka soo saareen Guryaha dawladda

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Burco(Somaliland.Org)- Isuduwaha Wasaaradda hawlaha guud iyo gaadiidka ee gobolka Togdheer Enj. Xasan Qawdhan (Xasan-caano-kariye) ayaa ka hadlay qodobo cusub oo ay soo saareen oo ku saabsan guryaha Dawladda ee magaalada Burco ee sida sharci-daradda ah loo haysto iyo iyo arrimo kale.

Sannad-guuradii 24aad Ee Gulufkii Mujaahidiinta SNM Iyo Guda-galkii Hargeysa

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Afar iyo labaatan sannadood ka hor taariikhda maanta oo kale oo ku beegnayd 31-kii May 1988-kii saqdii dhexe ee habeenimo abaaro 2:15 daqiiqo ayay ahayd markii qof kasta oo ka mid ahaa dadweynihii habeenkaas u soo hoyday magaalada Hargeysa iyo nawaaxigeedu ku toosay sanqadhii gurxanka iyo dayaanka badnayd ee ka baxaysay rasaasta kala [...]

Badhasaabka Sanaag Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Bilaabayaan Dhismaha Jidka Isku Xidha Ceerigaabo Iyo Burco

Thursday, May 31st, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal (Geel-jire), ayaa sheegay in xaaladda nabadgelyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay isla markaana ay ku guulaysteen inay intii badnayd u kala qaadeen magihii laba beelood oo wada dega gobolka oo shaqaaqo dhimasho iyo dhaawac keentay ay dabayaaqadii kal-hore ku dhex martay magaaladda Ceerigaabo.

Jamaal Cali Xuseen oo si kulul u weeraray Guddoomiyaha Xisbiga UDUB

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

“Daahir Rayaale waxaad moodaa inuu doonayo inuu xisbiga gacantiisa ku burburiyo”

“Haddii aanu u maaro weyno UDUB anigu waxaan qabaa in Daahir Rayaale Faraha looga qaado”

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) ayaa sheegay in maxkamadda sare Somaliland dedaashay marka loo eego xeerkii ay ugu garnaqiyeen dacwadii xisbigoodda.

Ha’yadda ilaalinta tayadda oo afar baabuur oo siday raashin dhacay ku qabtay Hargeysa iyo Boorame

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha Guud ee Hay'adda Dhawrista Tayada agabka Somaliland Nuura-diin Maxamed C/laahi ayaa maanta ka war-bixiyay hawl-galo ay wax kaga qabanayaan raashino wakhtigoodii dhacay oo ay ka soo ururiyeen Magaalooyinka Boorame iyo Hargaysa.

Diyaarad Cabsi Iyo Argagax Ku Dhalisay Dadwaynaha Ceerigaabo

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

Ceerigaabo (Somaliland.Org):-Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ayaa xalay waxa dul heehaabaysay diyaarad aan la aqoonsan meesha ay ka timid, taasi oo cabsi iyo aragagax ku dhalisay dadwaynaha ku nool magaaladaasi.

Ha’yada World Vision Oo 108 Qof U Qabatay Tababaro Dhinaca Daryeelka Xuquuqda Caruurta Ah

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Tababaro dhinaca daryeelka xuquuqda caruurta ah ayay hayada World Vision ka kala qabatay degaanada Lughaya, Garba-dadar iyo Geerisa, waxana tababaradaas ka kala qayb qaatay 108 xubnood oo isugu jiray, cuqaasha, oday dhaqameedyada, haweenka, culimaaudiinka, dhalinyarada, maamulka dawlada ee degaanadaasi, umuliso dhaqameedyada, macalimiinta dugsiyada iyo waxgarad kale.

China Horn Group waa shirkad weyn oo caalimiya oo haysata aqoonsiga dhismaha

Wednesday, May 30th, 2012 Comments Off

Shirkada Chine Horn Group waa shirkad caalamiya kuna guulaysatey dib-u-dhiska iyo casriyaynta madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport ee magaalada Hargeysa, dhismahan oo ay ku baxayso lacag ka badan afar malyan oo Doolarka maraykenka ah. Shirkada Chine Horn waxay ka mid ahayd shirkadihii faraha badnaa ee u tartamay qandaraaska dib loogu dhisayo madaarka Hargeysa, [...]

Garsooreyaal maxkamadeed oo la bedelay iyo kuwo la magacaabay

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Cadaalada ee Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid ayaa maanta soo saaray qoraal fulin go’aan ka soo baxay Gudiga Cadaalada kaas oo ujeedadiisu tahay Bedel garsoore,Shaqo ka tagis ku xigeen Xeer ilaaliye Guud,Magacaabid Xeer ilaaliye ku xigeen.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Oo qalab caafimaad ka gudoontay Ha’yadda Kuwait Joint Relief

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan ayaa maanta ka gudoontay Hay’ada Kuwayt Joint Relief qalab caafimaad oo lagaga hawl galayo qaybta Gurmadka deg dega ah ee cisbitaalka guud ee caasimada Hargaysa.

Laba nin oo Soomaali ah oo lagu xidhay Denmark

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Denmark (Somaliland.Org)-Booliiska nabad-sugida ee Denmark waxa ay sheegeen in labada walaalaha ah ee ay qabteen ay mid ku xidheen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Aarhus, halka mid ka kalena la xidhay isaga oo diyaarad kaga soo degay garoonka Copenhagen Isniintii.

Waa Cayda u dambeysa Hebel waa Al-shabaab

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Waxaan arkaayey qormooyin aan laga fiirsan oo lagu baahiyey mareego ay qoraan shaqsiyaad aad u mucaaridda oo Xukumadda Somaliland ka dhanna, halkaasi oo hadalo aad u qadhaadh iyo qudh goyn iyo hab farshaxannimo ku dheehantahay loo soo dhigay oo sharafkoodda, shaqsiyadoodda iyo milgahoodda qofnimo wax weyn loogu dhimaayo rag ka tirsan Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland. Hadaba [...]

Weftigii Somaliland u dirtay Shirka Turkiga oo maanta ka dhoofay Berbera

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

"Arrinta Xubin Sharafeedka IGAD waanu dalbanay hase yeeshee wali maynaan helin"

Xafladii Daah-furka Ururka WADANI ee Belgium

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Belgium (Somaliland.Org)-Xaflad si aad u heersaraysa loo soo agaasimay laguna maamusayey daahfurka xafiiska Urur Siyaasadeedka Wadani ayaa ka dhacday Magaalao madaxda wadanka Belgium ee Brussels. Xafladan oo ay ka soo qayb galeen taageerayaasha Ururka Wadani ee wadankaas iyo qaybaha kala duwan ee shacabka S/land eek u dhaqan Wadanka Belgium, Haday noqon lahayd Haween iyo Ragba, [...]

Maxkamadda Sare oo burisay Murashaxnimadii Jamaal Cali Xuseen,UDUB-na u xukuntay Rayaalle

Tuesday, May 29th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maxkamadda sare ee dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta xukun ka soo saartay dacwaddii u dhaxaysay Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB, kuwaasi oo isku haystay sharciyadda awoodaha Guddoomiyaha xisbigaasi Md. Daahir Rayaale Kaahin.

Wasiirka Ciyaaraha oo furay tartanka kooxaha heerka labaad ee kubadda Kollayga Hargeysa

Monday, May 28th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Dhalinyaradda, ciyaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Cali Siciid Raygal, ayaa galabta ka furay garoonka kubadda kollayga ee Tima-cadde ee magaaladda Hargeysa tartanka kooxaha heerka labaad ee kubadda Kollayga caasimadda Hargeysa.

Magaaladda Burco oo si weyn looga xusayay munaasibadda 27-ka May

Monday, May 28th, 2012 Comments Off

Burco (Somaliland.Org)-Magaalada Burco ayaa si weyn looga xusay 27-ka bisha May oo ah maalintii halyayyadii xaq u dirirka ahaa ee SNM ay soo galeen magaalada Burco ee caasimadda gobolkada Bari ee Somaliland.

Shirkadda Red Sea oo hoos u dhigtay Qiimihii shidaalka dalka

Monday, May 28th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shirkadda shidaalka ee Red Sea oo maanta dalka keentay shidaalkii ugu badnaa kaas oo gaadhaya inta u dhaxaysa-3000-4000 oo tan iyadoo maalmihii ugu danbaysey ay dalka ka taagnayd shidaal yari sababtay in qiimaha shidaalku cirka isku shareero.

Wasiirka Gaashaan-dhiga oo ka hadlay qodobadda shir uu la yeeshay Cuqaasha bariga Sanaag

Monday, May 28th, 2012 Comments Off

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa tafaasiil ka bixiyay qodobo ka soo baxay shir ay cuqaasha iyo waxgaradka deegaamadda Sanaag Bari kula yeesheen degmadda Xiin-galool.