Waa maxay ujeedada kormeerka Guddoomiyaha Sanaag ku marayo deegaamo ka tirsan Gobolka?

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Axmed Diiriye (Geel jire) ayaa kormeer hawleed ku maraya deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag kaas oo ay ujeedadiisu la xidhiidho u kuurgalida xaalada guud ee nabadgalyada iyo nolosha ee jiidaha gobolkaas.

Siday faafisay wakaaladda wararka ee dawladda ee SOLNA oo warkan aanu ka soo xiganay, weftiga Gudoomiyaha ayaa kormeer ku soo mareen degmooyinka Huluul,iyo Ceel Afweyn isla markaana waxa uu Gudoomiyaha Gobolka Sanaag uu dhagax dhigay dhismaha saldhig boolis laga hirgelinayo degmada Huluul .
Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Axmed Diiriye waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Degmada Huluul maamulka,Waxgaradka iyo qaybaha bulshada,Gudoomiyuhu wuxuu bulshada degmadaasi kala hadlay meel fagaare ah waxaanu tilmaamay in safarkiisani uu yahay mid shaqo isla markaana uu ku ogaanayo xaalada dhabta ah ee nolosha iyo nabadgalyada,waxaanu xusay in baahi weyn loo qabo sidii maamulka iyo dadweynuhu uu iskaashi ku wajahan horumarkooda u yeelan lahaayeen isla markaana meel uga soo wada jeedi lahaayeen wax kastoo carqalad ku ah nabadgalyada degmadaas.

Gudoomiyuhu waxa uu dhagax dhigay dhismaha Saldhig boolis ay degmadaasi yeelanayso kaas oo uu sheegay inuu kaalin muuqata ka qaadan doono arrimaha amaanka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaa iyo xubnaha kale ee safarkan ku wehelinayay waxay markaas kadib u soo ambo baxeen dhinaca degmada Ceel Afweyn oo ay caawa ku sugan yihiin.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com