Maayarka Hargeysa Oo Qaabilay Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan G/deegaanka Jongkoping ee Sweden

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mayaarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay weheliyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka ayaa maanta xarunta dawladda Hoose ku qaabilay Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka Magaalada Jongkoping ee dalka Sweden oo socdaal rasmi ah ku timid todobaadkan magaaladda Hargeysa.

Maayarka Magaalada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa weftiga u sheegay in golaha deegaanka oo la soo doortay sannadkii 2002-dii uu horumar weyn ka sameeyay kor u qaadida adeegyada bulshada.sida Wadooyinka,Biriishayada,Isguulada,MCH-da,Saldhigayda Booliska iyo Adeegyo kale oo badan aanay ka hirgaliyeen Caasimada Hargeysa.

“Maamulkii Siyaad Barre waxa uu dhisay Wadooyinka Hargeysa ilaa 5 Wado Anaguna intii aanu Xilka Haynay waxaanu dhisnay ilaa 45-Wado waxaana sido kale jira dhawr iyo Toban Wadooyin oo kale aan gacanta ku hayno imika,waxa aan qabanaa Mashaariic kale oo badan oo ay naga Caawiyaan Ururada Caalamiga ahi kana mid yihiin Hay’addaha UNDB,UNICEF iyo Hay’addaha kale oo Badani waxaanan Hirgalina Mashaariic fara badan waxana ka mid ah in aanu dhisno Iskuulo ,MCH,Ceelal,Biriishyo,Saldhigyo,iyo Mashaariic kale oo aad u Tiro badan ilaa markii nala doortay,”ayuu yidhi Maayarka Caasimaddu.

Maayarka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanu sido kale kor u qaadnay dhanka Amniga wax weyn ayaanu ka qabanay waxaanan kala Shaqeyna Boliska dhanka Shidaalka iyo Gaadiidka,runtiina iyada oo xubnaha Golaha Deeganku Hargeysa oo intooda badani yihii dad qurbo joog ah oo ka yimid Yurub iyo Waqooyiga America ay is wanaagsan isugu dubarideen hawsha ay hayaan, isla markaana sameeyeen qorshaha kor loogu qaadayo Bilicda iyo Horumarinta caasimada Hargeysa.”

Xildhibaan Ifraax Cali Kirix, oo iyana ka hadashay halkaas, ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsana tahay in Magaaladu yeelato gole deegaanka oo la soo doortay,laakiin aanay jirin haween ka dhex muuqan. Iyadoo arrintaas ka hadlaysayna waxay tidhi “Aad bay farxad noogu tahay maanta in aan soo booqano aniga iyo Asxaabtayda Suxufiyiinta reer Swedden ahi ee ugu Wehelisa Safarkayga aan ku Imi Dalkayga Somaliland oo aan la kulmo xubnaha deegaanka Hargeysa oo ah halkii aan ku dhashay, Sharaf weyn ayay ii tahay in aan imaado wadankaygii aan ku dhashay ee Somaliland. laakiin waxa aan jeclaan lahaa in haween ay ka mid noqdaan Golaha Deeganka.”

“Waxaan filayaa Doorashada danbe in aad Haween ku soo dartaan Golaha Deegaanka, waxaan dedaal badan ku bixiyaa sidii aan Dalkayga wax ugu tari laha oo aan Wadanka aan Xildhibaanka ka ahay isugu Xidhi lahaa,”ayay tidhi Marwo Ifraax.

Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo hadalkeeda sii wadatay waxay tidhi “Aniga oo waliba dhan Arday ka ah dhan Hooyo ka ah dhana Hawsha Xildhibaanibada ka haya, waanu idinla shaqayn doonaa gole ahaan waxaanan ku tallo jiraa in aan isku Xidho Labada Magaalo ee Jongkoping iyo Hargeysa.”
“Mudane Maayar, waxaan balan dhanka Taleefoonka ah kaaga sidaa Maayarka Magaaladii layga soo doortay si aad ula hadasho si aad u wada Shaqeysan Labadiina Magaallo ” ayay tidhi Ifraax Cali Kirix.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumamfaarax@hotmail.com