D/Hoose Ee Hargaysa Oo Ku Guuldaraysatay In Ay Wax Ka Qabato Wadooyinka Ay Daadku Waxyeeleeyeen

Hargaysa (Somaliland.Org):- Dawlada hoose ee caasimadda Hargeysa, ayaa ku guul daraysatay in wax ka qabato oo ay dib u banayso wadooyin badan oo ka mid ah kuwa hal bawlaha caasimada ku yaalla, kuwaasi oo ay waxyeelo u gaysteen roobab maalmihii la soo dhaafay ka da’ay caasimada.

Wadooyinkan badan ee ku yaalla caasimada oo ay ka mid yihiin wadada wadnaha ee dhex marta badhtamaha caasimada oo ay si aad ah u isticmaalaan gaadiidka kala duwan ee ka dhex shaqeeya caasimadu, gaadiidka ka dhex shaqeeya caasimada iyo dadka shacabka ah ayaa maalmahan danbe dhibaato kala kulmay wadooyinkan ay roobab ku waxyeeleeyeen iyada oo ay qaarkood wadooyinkaasi ay gooyeen roobabku, halka qaar kalane ay ciid, dhagaxaan, qoryo iyo xashiish badan ku awdeen saaqiyadihii yaryaraa ee ay biyuhu marayeen ka dibna ay biyihii waxyeeleeyeen wadooyinkii iyo guryo kala duwan oo isugu jira meherado iyo guryo dad degan yihiin oo ku yaala agagaarka wadada.

Dhibaatadan soo noqonaysa ee ay roobabku u gaystaan wadooyinka casimada ayaa wajigabax ku noqonaysa dawlada hoose ee caasimada, taasi oo muujinaysa waxqabad la’aanta dawlada hoose, waxa kale oo ay tani markhaati cad u tahay in aan si fiican loo maamulin dhaqaalaha ama lacagaha ay dawladaha deeqaha bixiya ama hay’adaha caalamiga ah ee dawlada hoose ka taageera mashaariicda lagu horumarinayo caasimada, gaar ahaan kuwa wax lagaga qabanayo dhismeyaasha wadooyinka caasimada, aan si wanaagsan loo maamulin lana lunsado.

Waayo haddii si fiican loo maamuli lahaa, isla markaana sida loo baahan yahay wax loogaga qaban lahaa ama lagu dhisi lahaa lacagaha faraha badan ee ay hay’aduhu siiyaan dawlada hoose may dhacdeen in sanad walba marka roobku da’o sidan oo kale ay daadadku u waxyeeleeyaan wadooyinka caasimada.

Ma aha mid uguba u diyaargarow la’aan Dawlada hoose oo la doonayay in xilligani baaxada shaqo ee ay ummada uga masuul tahay laban laabto, Wadooyinka mara caasimada Hargeysa, ayaa wakhtigan aad ugu baahan in si deg deg ah wax looga qabto laguna sameeyo dayactir balaadhan, iyada oo wakhtigan lagu jiro xiligii gu’ga oo ay roobabku si aad ah u da’ayaan, haddaba si wax looga qabto dhibaatadan waxa ay masuuliyadeedu dusha ka saaran tahay dawlada hoose ee caasimada oo loo baahan yahay in arrintan dhibaatadeedu sida aadka ah u taabatay bulshada ay wax ka qabato, maadaama oo ay shaqada dawlada hoose kow ka tahay dhisida iyo hagaajinta wadooyinka iyo bariishyada caasimada iyo magalaooyinka.

Xilligan oo roobabka gu’gu ay si aad ah dalka oo dhan uga da’ayaan ayaa la odhan karaa dawlada hoose ee caasimadu way ku fashilan tay wajibaadkii shaqo ee ay u haysay dadka shacabka ah, waxana muuqata fashilaada iyo dayaca ka muuqda biyo xidheenada oo aad arkayso qashinka oo tuulan iyo marinada biyaha oo ciidii dul tuulnayd awgeed ay sababtay in gebi ahaanba ay biyuhu kor maraan, taasi oo biyihii ka soo weecday khasaare laxaad leh u gaysteen kabkabkii jidadka iyo qaybo ka tirsan bulshadaba.

cida ay sida gaarka ah u taabatay dhibaatada wadooyinka xidhmay iyo kuwa daadadku burburiyeen ee caasimada waxa ka mid ah gaadiidka kala duwan ee ka dhexshaqeeya caasimada, gaar ahaan gaadiidka dadweynaha sida basaska rakaabka iyo kuwa qaada ardayda dugsiyada dhigta. Iyo ardayda galinka danbe dhigta dugsiyada ee aan iyagu baska u raacin dugsiyadooda ee u lugeeya oo ay dhibaato ku noqoto in ay ka talaabaan laagaha yaryar ee gudaha magaalada mara marka uu roobku da’o ama ay daadadku jaraan, taasi oo sababta in ay awoodi waayaan in ay tagaan dugsiyadoodii kana baajisa waxbarashada.

Hadaba waa maxay sababta ay si fudud wadooyinka caasimada roobabku u waxyeelaayaan waxa ka mid ah iyada oo aanay dawlada hoose ee caasimada masuliyiinteedu ka fikirin qaabka ugu haboon ee loo samayn karo wado tayo leh si ay meesha uga baxdo mushkiladan soo noqnoqatay.

Waxyaabaha kale ee sababta u ah mushkiladan soo noqnoqtayee ah in roobabku si fudud u burburiyaan wadooyinka caasimada waxa ka mid ah iyada oo aan qaab wanaagsan loo samayn meelaha saaqiyadaha ah ee loogu talo galay in ay biyuhu maraan.

waxyaabaha sababa inta badan in ay si fudud u go’aan wadooyinka caasimadu waxa sabab u ah, iyada oo aanay wanaaganaysayn marka hore ee la samaynayo, iyada oo aan la hurin kharashka ku baxaya ee lagu samaynayo, taasina ay sababto in si fudud daadadku u jaraan wadooyinkaasi marka uu roobku da’o.

waxa kale oo sababa in ay saaqiyadaha biyuhu maraan ee caasimadu ay xidhmaan wakhtiga uu roobku da’o, iyada oo ay jiraan buuro badan oo caasimadda ku yaalla kuwaasi oo ay biyaha ka soo rogmadaa soo qaadaan dhagaxaan iyo ciid aad u badan oo xidha saaqiyadaha biyuhu maraan, taasina ay sababto in biyaha daadku si xoog ah ku jaraan wadooyinka iyo iyada oo ay biyuhu maraan meelo aan ahayn meelihii loogu talo galay.

Waxa dhibaatadan iyagna qayb ka ah dadka shacab ka ah sida kuwa dhismayaasha waaweyn ka dhista caasimada oo si qaab daran uga dhistay iyaga oo xidha saaqiyadaha ay biyuhu maraan.

Waxa kale oo dhibaatadan qayb ka ah dadka ku nool xaafadaha caasimada, kuwaasi oo inta ay xashiishka ku soo tuuraan laagaha iyo saaqiyadaha ay biyuhu maraan, taasi oo marka uu daadku soo qaado waxyaabahaasi xashiishka ah oo isagu jira qoryo iyo waxyaabo kale ay xidhaan meelaha saaqiyadaha ah ee ay biyuhu maraan, ka dibna uu daadku ku fataho guryaha iyo meheraha ganacsiga ee u dhaw meelaha saaqiyadihii biyuhu xidhmaan, ka dibna uu daadku xoog ku jaro wadooyinka.

Khadar Cabdi Muuse
Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com