X. Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Kala Duwan, Baaqna U Jeediyey…

X. Cabdi Waraabe Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Dulqaad U Yeesho Dhaliilaha Loo Jeediyo, Kuna Taliyey In Ciidamada Difaaca Mushaharka Loo Kordhiyo

“Madaxweyne Siilaanyo Wax Uu Kordhiyay Mooyee Wali Wax Uu Dhimay Maan Arag, Ninka Aan Dawladnimada Doonaynin Ee Gacan Maris Doonayaa Dhulkaasi Ha Ka Qayliyo, Ninkii Kursi Ku Fadhiistaba Waa La Mucaaridayaa, Nabi Muxamed Baa La Mucaariday”

“C/Raxmaan C/Qaadir Ma Habar Yoonis Buu Kulmiye U Fadhiyay Mise Somaliland Buu Meesha U Fadhiyay, Ninka Haddii Meel Lagaga Dhacay Dee Dawladiisii Baa Meel Kaga Dhacday In Hadalka Loo Ogolaado Ayay Ahayd”

Hargeysa, April 29, 2012 (Haatuf) – Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Xaaji Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in talaabadii xilka lagaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ay ahayd mid meel ka dhac ah, kana digay in caadifad qabiil laga dhigo, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay inuu dulqaad u yeesho dhaliilaha looga soo jeediyo maamulka xukuumadiisa, taas oo uu tilmaamay in madaxnimadu wadato mucaaridnimada.

Xaaji Cabdikariim waxa kale oo uu ku baaqay in Ciidamada qaranka ee difaaca kaga jira xuduudaha dalka mushaharka ay qaataan loo kordhiyo, isla markaana xukuumadu ay dedaal ugu gasho sidii sanadkii horeba shaqaalaha iyo ciidamada loogu kordhiyay, isagoo dhinaca kalena ku baaqay in wadahadalada Somaliland iyo Somalia ay ku salaysnaadaan laba dal oo kala madaxbanaan oo daris ah.

Xaaji Cabdikariim ayaa shalay sidaasi ku sheegay Waraysi Khaas ah oo uu shalay Haatuf siiyey, ayaa sidoo kale ka hadlay xaalada caafimaad ee guddoomiyahoodii golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo muddo sanad ah dalka UK ugu maqan arrimo caafimaad iyo arrimo kale oo ay ka mid yihiin muddo kordhinta ka dhamaatay golayaasha deegaanada dalka iyo kulamo la sheegay in golahoodu xukuumada kala yeeshay gunnooyin lacageed oo ka maqan.

Xaaji Cabdikariim oo ugu horayn ka hadlaya isbadalada sanadahan dambe ku dhacay golahoodii guurtida oo noqday gole dhaxal isku badalay oo odayaashii ruug-cadaayada ahaana ay badankoodii geeriyoodeen sida uu u arko, ayaa isaga oo ka hadlaya waxa uu yidhi “Dhaxal ha ku soo galeene wax xumaana oo golahaasi ka jiraa ma jir, gudoomiyahayagii guurtidu dhakhatarka tagayna wuu imanayaa insha Allaah”

S: 23-kii February socdaal aad ku tagtay dalka UK waxa la sheegay in gudoomiye Saleebaan lagaa qariyay arrinkaasi maxaa ka jira?

J: Laygama qarinine dhakhatar buu ku jiray oo magaalo kale ayuu joogay oo tilifoon baanu ku wada hadalnay, waxaanu igu yidhi marka aan dhakhtarka ka soo baxo ayaan dalkii imanayaa.

S: Waxa lagugu xantaa in Madaxweyne Siilaanyo aad qalad iyo saxba ku taageerto, arrimahaasi maxaad ka leedahay?

J: Madaxweyne Siilaanyo wax uu kordhiyay mooyee wali wax uu dhimay maan arag, ninka aan dawladnimada doonaynin ee gacan maris doonayaa dhulkaasi ha ka qayliyo, ninkii kursi ku fadhiistaaba waa la mucaaridayaa, Nabi Muxamed baa la mucaariday, nin reer u Caaqila ayaa laba meelood loogu kala jabaa oo la mucaaridaa, madaxduna waa inay dulqaadataa, oo madaxdnimadaa la caaridayaaye qofka lama caaridayo, Madaxweynuhuna waa inuu dulqaataa oo hadalka la leeyahay waa inuu dhagaha mariyaa oo danta caamka ah uu ka raacaa, Madaxweyne Siilaanyo markuu gudoomiyaha Kulmiye ahaa cidina may caayaynin ee Kurisigaa la caayayaa, waa in la tilmaamaa.

S: Sideed u aragtaa talaabadii xilka lagaga qaaday guddoomiye ku xigeenkii labaad ee xisbiga Kulmiye C/raxmaan C/qaadir iyo gacan ka hadalkii ciidanka Bileysku kula kacay, oo beesha galbeedka Burco uu kasoo jeedaa ay mawqif adag ka istaagtay?

J: Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ma Habar Yoonis buu Kulmiye u fadhiyay mise Somaliland buu meesha u fadhiyay, ninka haddii meel lagaga dhacay dee dawladiisii baa meel kaga dhacday in hadalka loo ogolaado ayay ahayd, kolkuu hadlana wixii go’aana ee golaha dhexe ee Kulmiye ku xukumayo in lagu qaado ayay ahayd, qalad wuu dhacayaa ilaa Yoomal Qiyaamaha, Cabdiraxmaan Cabdiqaadir meel baa lagaga dhacay laakiin Caadifad qabyaalada yaan la galinin, Kulmiyena reer umuu fadhiyin xisbi qaran iyo Somaliland ayuu u fadhiyay, qabyaaladiina waxaynu uga guurnay xisbiyo siyaasadeed.

S: Wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ee loo balansanaa waxa carqalad ku noqday markii Sheekh Shariif guddigiisii uu soo magacaabay uu ku soo daray laba wasiir oo ka tirsan Puntland oo u dhashay bariga Sanaag iyo Sool, arrinkaasina ay xukuumada Somaliland gaashaanka ku dhufatay sideed u aragtaa?

J: Dantu waxay ku jirtaa in laba dawladood oo Somaliland iyo Somalia ah loo wada hadlo, laakiinse imika meel loogu hagaagaba ma laha oo waa kan Faroole yidhi Sheekh Shariif kalidii wax ma go’aamin karo hadaanay Puntland ku jirin guddiga uu soo magacaabayo.

S: Muddadii sanadka iyo shanta bilood ahayd ee golayaasha deegaanada aydin u kordhiseen waxay dhamaatay 7-dii April 2012 doorashadiina dibay u dhacday wax muddo kordhina maydin samaynaysaan?

J: Anagu muddo kordhinta golayaasha ma samayno haddii naloo soo qoro ayuun baanu go’aan ka gaadhnaa, xukuumada ayuun bay ku xidhan tahay muddo kordhinta ka dhamaatay golayaasha deegaanka iyo goorta la qabanayo doorashadooduba.

S: Golihiina Guurtidu waxa uu sanadkan u dambeeyay saluug ka muujiyay gunnooyin lacageed oo ugu jiray miisaaniyadii 2011-kii oo maqan, taas oo la sheegay in todobaadkii hore Madaxweynaha kulan kala yeelateen halkuu arrinkaasi marayaa?

J: Mushaharo wanaagsan ayay golayaasha, shaqaalaha iyo Ciidamaduba qaataan, wixii gunnooyin ahina dee waa laga had-hadlaya.

S: Golayaashiina sharci dajinta iyo wasiiradu waxaydin mushahar u qaadataan kun iyo dhawr boqol oo dollar, isla markaana gunnooyin idiin dheer yihiin, ma xaqbaa in askariga difaaca dalka ugu jiraana uu qaato 500,000/s/l shillin?

J: Ciidamada difaaca ee qaranka ee dalka difaacayaa sidii mushaharka loogu kordhin lahaa waa in dadaalkeeda loo galaa, waa in mushaharka loo kordhiyo ciidamada difaaca dalka ku jira.

S: Xukuumadihii Somaliland soo maray hadaad qiimayn kooban ku samayso waxqabadkooda iyo faraqa u dhexeeya maxaad ka odhan lahayd?

J: Xukuumad waliba waxbay qabatay, mid aan waxba qabani Somaliland may soo marin.