Maareeyaha Dekeda Berbera Oo Ka Waramay Waxyaabihii u Qabsoomay Muddadii uu Joogay

Berbera (Somaliland.Org):- Maareeyaha dekeda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka waramay horumarka balaadhan iyo adeega guud ee ka socda dekeda berbera xilligan, isaga oo sheegay in uu shaqaalaha dekeda oo loo sameeyay mushahar kordhin 50% (boqolkiiba konton).

Maareeyaha dekada Berbera waxa kale oo uu xusay in aanay shaqaalaha dekedu ka qayb qaadnin mushahar kordhintii hore ee shaqaalaha dawlada loo sameeyay, isla markaana in aanay mushahar kordhinta shaqaalaha dawladdu noqon doonin mid halkaasi ku eeg, balse halkaasi laga sii wadi doono.

Md. Cali Xoorxoor mar uu arrimahasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waxaan ku faraxsa nahay mushar korodhintani shaqaalaha 50% aanu ku korhdino iyada oo uu iga ogolaaday madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyad aoo hore uga qaybgalin shaqaalahan dekedu mushar kordhintii shaqaalaha dawladda aad iyo aad baan ugu farax sanahay.”

Maareeyaha dekeda Berbera ayaa mahadnaq u jeediyay madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in uu ka ogolaaday in mushahar kordhintani loo sameeyo shaqaalaha dekedda.

Maareeyaha dekada Berbera, ayaa ku wargeliyay ganacsatada in ay badeecadahooda sida ugu dhakhsaha badan ugala baxaan dekada, isaga oo sidoo kale ganacsatada xidhiidhka leh ee dekedda u soo jeediyay in ay badeecaddahooda kala baxaan, taasi oo uu mareeyuhu ku sababeeyay gaadiid iyo badeecado tiro badan oo isku soo gaadhay dekeda iyaga oo qaarkood ay taagan yihiin maraakiibtii siday dekada si looga dajiyo isla markaana hawshii shaqo ay cidhiidhi gashay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com