Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo afar qof ku xukumay dil toogasho ah

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo hawlo shaqo u jooga xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta xukun dil ku riday afar gacan ku dhiigle oo hore u galay danbiyo dil ah

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa xukunka dilkaasi gacan ku dhiiglayaasha kaga dhawaaqay xarunta maxkamadda racfaanka ee magaalada Burco.

Xukunka gacan ku dhiiglayaashaa ayaa loo cuskaday sharciga islaamka iyo xeerka ciqaabta guud ee dastuurka dalka, waxaana xarunta maxkamadda ku sugnaa ehelada gacan ku dhiiglayaasha la xukumay iyo sidoo kale eheladii marxuumiintii dilalkan ku geeriyooday iyadoo amaanka Maxkamadana aad loo adkeeyay.

Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Garsoorayaal ka tirsan Maxkamada Sare ayaa todobaadkan Hawlo shaqo u joogay Xarunta Gobolka Togdheer ee Magaalada Burco.waxaanu Gudoomiyuhu uu sheegay in xaaladaha shaqo ee Maxkamadaha Togdheer ay u Muuqdaan kuwo Si wanaagsan u shaqeynaya.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com