Badhasaabka Sool oo C/Raxmaan Faroole uga digay daan-daansi uu ka wado Yoocadda

Laascaanood (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) ayaa maanta si adag ugu digay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland C/Raxmaan Farroole oo uu ku eedeeyay inuu dhaq-dhaqaaqyo nabad-gelyo darro iyo dhul balaadhsi ka waddo deegaanka Yoocadde oo bari ka xiga magaaladda Laas-caanood oo ah xadka u dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

Badhasaabka Gobolka Sool waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu yidhi “Waxaan uga digaynaa Madaxweynaha Puntland daandaaniga iyo dhul- balaadhsiga uu beryahan dambe ka waddo deegaanka Yoocadda oo uu cagafyo geliyay oo aanaan garayn waxa ciidamadiisa iyo koox ay isku reer yihiin ka wadaan deegaankaasi.”

Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) waxa uu sheegay inaanay dawladda Somaliland oo nabad-gelyadda jeceli haddana aanay taako ka mid ah dhulkeedda aqbalayn in lagu soo xad-gudbo.

“Waxaanu dawladda jaarka iyo adduunkaba la socodsiinaynaa in Madaxweynaha Puntland uu waddo gardarro iyo dhaqdhaqaaqyo dhul balaadhsi ah, waxaanu u sheegaynaa inaanay u soconaynin dhul balaadhsiga iyo nabad-gelyo darrada uu ka abuurayo deegaamadda Yoocadde. Haddii uu ka waantoobi waayana wixii uu ka heli isagaa masuuliyadeeda dusha ku qaadi doona,”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeniyarre).

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com