Agaasimaha Kalluumaysiga Oo Hadhimo sharafeed u sameeyay Tifaftiraha Guud Somalilandpress

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) ayaa maanta marti-qaad qado sharaf ay huteelka Fish and Steek ugu sameeyay Tafaftiraha guud ee shabakadda wararka ee Somalilandpress Maxamed Ibraahim Xaaji Cabdi oo socdaal fasax iyo shaqo iskugu jira ku yimid Somaliland oo ay ugu dambaysay afar sano muddo laga joogaa.

Xafladan qado-sharafta ah waxa ka kale oo ka soo qeyb galay Maxamed Siciid Cawaalle oo ka tirsan saraakiisha shirkadda Dahabshiil, Ganacsato, Suxufiyiin iyo marti-sharaf kale.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Tifaftiraha guud ee shabakadda wararka ee Somalilandpress oo uu tilmaamay inay tahay mareegta kaliya ee sumadda Somaliland ka soo jeeda ee luuqada Ingiriisida ku daabacda wararka dalka iyo caalamkaba.

Agaasimuhu wuxuu Tifaftiraha uga mahad celiyay sida wadaniyadda iyo masuuliyaddu ku jirto ee shabakadda Somalilandpress ay qorto warar dhex dhexaad ah oo Somaliland ka saacidaya inay qadiyadeeda gaadhsiiso beesha caalamka ee Somaliland aqoonsiga ka doonayso.
Agaasimaha Guud ee Kalluumaysigu waxa uu u soo jeediyay Maamulka sare ee shabakada Somalilandpress inay sii wadaan dedaalkooda ku wajahan inay aqoontooda uga faa’iideeyaan dalkooda oo xaaladda Somaliland marayso gaadhsiiyaan daafaha dunidda.
Maxamed Cilmi wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland soo dhawaynayso qurbo jooga reer Somaliland ee qaranimadooda wax ku taraya.

Tifaftiraha guud ee shabakadda SomalilandPress Maxamed Ibraahim Xaaji Cabdi, oo isaguna ka hadlay hadhimo-sharafeedkaasi ayaa u mahad celiyay agaasimaha guud iyo madaxdii kale ee u samaysay qado-sharaftaasi, waxaanu tilmaamay in shabakadan ay u sameeyeen bishii May ee sanadkii 2008-dii markii ay arkeen in shabakadaha wararka ee Somaliland dhammaantood ay wararka ku qoraan afsoomaali, ka dibna uu go’aamiyay in shabakadoodu ay wax ku qorto luuqadda Ingiriisida si daafaha adduunka loo gaadhsiiyo macluumaadka iyo xaaladda guud ee ay Somaliland ku jirto.

Maxamed Ibraahim Xaaji Cabdi wuxuu sheegay inay dalka ugu dambaysay sanadkii 2008-dii, waxaanu xusay in dalku afartaasi sanadood uu sameeyay horusocod dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashadda iyo caafimaadka la xidhiidha.

Tifaftiraha shabakada wararka ee Somalilandpress waxa uu balan-qaaday inay sii wadayan dedaalka ay ugu jiraan inay wararka dalkooda

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com