Wasiirka Beeraha oo soo dhaweeyay wefti ka socda Ha’yad caalami ah oo deeq raashin ah keentay dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa ku qaabilay Gegida diyaaradaha Cigaal International Airport ee magaalada Hargaysa Wefti ka socda Hay’ada International Relief Organtion ee dalka Boqortooyada Sucuudi Arabia kuwaas oo u yimid qaybinaya kaalmo ay soo gaadhsiiyeen Dalka.

Madaxa Weftigan Xaamud Al Rufayci oo Warbaahinta kula hadlayay qolka nasashada ee madaarka diyaaradaha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargaysa ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho qaybinta deeq raashin mucaawimo ah oo ay dalka soo gaadhsiiyeen,taas oo ay ugu tallo galeen sida uu xusay dadka danyarta ah ee Somaliland.

Mas’uulkani waxa uu ugu danbayntii ka mahadceliyay sida diiran ee dalka loogu soo dhaweeyay.
Wasiirka wasaaradda beera Mudane Faarax Cilmi Geedoole ayaa sheegay in Hay’adani wado deeq raashin ah oo qiyaas ahaan dhan Lix Boqol iyo Konton Tan oo isugu jira Bariis,Timir,Saliid iyo Caano waxaanu tilmaamay in deeqdan loo qaybin doono dadka danyarta ah ee ku dhaqan Gobolada dalka oo dhan marka laga tago Saaxil iyo Sanaag oo hore loo gaadhsiiyay Kaalmadan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Beeruhu wuxuu uga mahad naqay Hay’adan deeqdan raashinka ah ee ay ku soo kaalmeeyeen Walaalahooda Islaamka ah ee Somaliland taas oo Mudane Geedoole ku sifeeyay mid ay baahi u qabeen shacabka Somaliland kadib markii sida uu cadeeyay hoos u dhacay waxsoo saarkii dalaga beeruhu roob yaraan awgeed,Waxaa kale oo uu ugu baaqay in hay’ada International Relief Organtion ee Sucuudigu ay halkaasi ka sii wado hawlaha gargaar ee ay Somaliland soo gaadhsiiyeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com