Madaxweyne Siillaanyo Waa Shaqsi Ka Midho Dhalin Kara Himiladda Ummdda iyo Harumarkeedaba

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo, waa lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay siyaasiinta iyo hoggaamiyayaasha ugu wanaagsan bariga Afriga, waana siyaasi ka caan ah guud ahaanba dhulk ay degto dadka ku hadla afka Soomaaliga.

Sidoo kale madaxweyne Siillaanyo waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay {Good Leader Ship}, hoggaami wanaagsan oo leh aqoon waayo-aragnimo, dadnimo, aqoon cilmiyeed iyo mid hoggaamineed intaba , waxaa kale oo lagu tilmaamaa in uu ka mid yahay shaqsiyaadka Afrikaanka ah ee ka guulaystey kacaankii ay ka soo horjeedeen.

Hadaba iyada oo ay sidaa tahay madaxweyne Siillaanyo maanta waa madaxweynaha hoggaaminaya Somaliland oo ah dal curdin ah una baahan in ay aqoonsi caalamiya ka hesho beesha caalamka, waana shaqsiga keliya ee la odhan karo isaga ayaa ka midho dhalin kara himilada ummadda.

Waxaadse moodaa in ay jiraan dad diidan in ay Somaliland wax noqoto iyo in ay Somaliland aqoonsi ka hesho beesha caalamka, tusaale ahaan madaxweyne Siillaanyo wuxuu salaxay salaankii ay Somaliland ku heli lahayd aqoonsi kuna gaadhi lahayd haruumar buuxa, taas ayaa maalin walba madaxweynaha iyo xukuumaddiisa lagu aflagaadaynayaa oo la leeyahay muxuu aqoonsi u soo dhowaynayaa, muxuu musuq-maasuqa wax uga qabanayaa, muxuu masuuliyiinta denbiga dalka ka galay u xidh xidhayaa, muxuu musharka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada u laba jibaarayaa,muxuu caddaalada iyo garsoorka is bedelka ugu samaynayaa [Reform], muxuu waxbarashada bilaash uga dhigayaa, muxuu u samaynayaa maamul wanaaga {GOOD GOVERNMENT} iyo haruumarka muuqda.

Arrimahaa iyo qaar kale oo badan ayaa lagu dhaleecaynayaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, taasina waxay noqonaysaa jawaabteedu laba rabo dawladnimo iyo haruumar doona, waxaan shaki ku jirin madaxweyne Siillaanyo uu yahay madaxweyne daacad ah soo halgamay jecel in ay Somaliland wax noqoto, waana madaxweynaha la hubo in uu Somaliland ku furayo ama ku hoggaaminayo guri barwaaqo iyo kob rays leh, balse aanu marnaba Somaliland dhigayn meel xun.

Hadaba waxaa haboon shacabka Somaliland ay taageeraa xukuumadda lana fahmo sidii looga faa’iidaysan lahaa jaanisyada muhiimka ah ee Somaliland maanta u banana, taasoo aan odhan karo beri la heli maayo haddii aan maanta laga faa’iidaysan, xukuumadana aan laga dayn ku jigsiida ay adeegsanayaan shaqsiyaadka cadawga ku ah hanaanka haruumarka muuqda ee ka ifaya shacabka iyo xukuumdda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud {Siillaanyo].

Ugu danbayntii waxaan odhan lahaa raga ay iskaga khaldan tahay Somaliland iyo mucaaradnimadu ha ka waan toobaan hubaanta ay ka hurinayaan bulshada dhexdeeda.

ALLAA MAHAD LEH

C/laahi Axmed Caarshe, Hargeysa