Guddida Wanaag Farista Gobolka Hawd Oo Wasaaradda Diinta Baaq U Diray

Baligubadle (Somaliland.Org) Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Gobolka Hawd ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland gaar ahaana Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay ka caawiyaan qalabka wacyigelinta iyo agab kale oo ay u baahan yihiin.

Xubnahan ka mid ka ah Guddida Wanaag Farista magaalada Bali-gubadle oo maanta salaadii Jimcaha ka dib shirjaraa’id ku qabtay magaalada baligubadle ayaa baaq u diray xukuumada Somaliand gaar ahaana Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta oo ay ka dalbadeen in wixii itaalkooda ah ay ka caawiyaan qalabka wacyigelinta sida codbaahiyeyaal, qalabka xafiisyada, gaadiid iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah hawlaha wacyigelinta.

Guddoomiyha Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ee gobolka Hawd ahna guddoomiyaha degmada baligubadle ee wasaarada diinta iyo Awqaafta Md C/rasaaq maxamed Yuusuf, oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa ka waramay xukuno ay dad diinta caayay ku fuliyeen labadii todobaad ee u danbeeyey magaalada Baligubadle, waxaanu sheegay in ay saddex nin oo diinta caayay ku rideen xukun kala ah hal nin oo ay ku xukumeen lix bilood oo xadhig ah, halka labada kalena ay ku xukumeen saddex bilood oo xadhig ah.
Waxa kale oo uu intaasi raaciyay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista gobolka Hawd inay ka hortegi doonaan dhamaanba cidii wax xumaan ah ka samaysa guud ahanba gobolka Hawd, isla markaana ay talaabo sharci ah ka qaadi doonaan.

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Jamaal Xuseen Hurre, oo isna Guddida Wanaag Farista ku wehelinayay shirka a jaraa’id oo halkaa ka hadlay ayaa ku amaanaay Guddida Wanaag Farista gobolka Hawd talaabada ay ka qaadeen dadkaasi xumaanta sameeyay, taasi oo uu ku tilmaamay in ay guteen waajibkoodii, isaga oo Md Hurre uga mahadnaqay Guddidaasi hawlaha ay fuliyeen mudada kooban ee ay ka jireen gobolka Hawd.

Dhinaca kale Maayarka magaalada Bali-gubadle Ibraahim colaad Jaamac, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balanqaaday in uu ka caawin doono intii karaankiisa ah, qalabka ay codsadeen Guddida Wanaag Faristsa iyo Xumaan Reebista gobolka Hawd, qalabkaasi oo ay kaga hortega aan dadka ku kaca waxyaabaha xumaanta ah ee ka soo horjeeda diinta islaamka.

Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Gobolka Hawd oo ka kooban 7-ba xubnood, ayaa dhawaan loo sameeyay gobolkaasi, kuwasi oo aan haysan dhamaanba qalabka kala duwan ee ay hawlaha ku qaban lahaayeen, iyada oo ay agab la’aantaasi caqabad ku tahay gudashada hawlahooda.

Xuseen Xarbi
Bali-gubadle