Badhasaabka Saaxil oo ka hadlay 9 carruur ah oo laga soo xaday dalka Yeman oo markab lagu siday

Hargaya (Somaliland.Org)- Ciidamada Booliska Dekedda magaalada Berbera, ayaa m aanta qabtay sagaal caruur ah oo laga soo xaday dalka Yemen, waxa sheegay Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Sagaalkan carruur ah oo da’doodu u dhaxayso sanad ilaa saddex sano ayaa la sheegay in laga soo xaday xertyaha xaqootiga ee dalka Yemen, carruurtan la qabtay oo ay wateen nin iyo gabadh Itoobiyaan ah gaar ahaan ka soo jeeda Qomiyada Oromada.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo warbaahinta ugu waramay magaalada Berbera ka dib markii ninka iyo gabadha caruurta watay lagu soo xidhay saldhiga dhexe ee Berbera, ayaa sheegay in sagaalkaasi carruurta ah laga soo xaday dalka Yemen, isla markaaana ay hada baadhistu socoto, isaga oo xusay inay hadalo is-burinayaa ka soo baxayaan labada qof ee carruurta watay.

Ninkan iyo gabdha caruurta sitay ee lagu qabtay ayaa markii hore ku dooday in ay iyagu dhaleen carruurtan, iyaga oo markii danbana sheegay in qaar ka mid ah caruurtaasi ay iyagu dhaleen kuwa kalena looga soo dhiibay halka ay ka yimaadeen oo ah dalka Yemen, balse ka dib markii ay arrimahaasi baadhitaan ku sameeyeen ciidamda booliska ee Dekeda Berbera ay ku ogaadeen in sheegashada labadaasi qof ee ah in ay caruurta dhaleen aanay waxba ka jirin, sidaasina ay xabsiga ugu taxaabeen ninka iyo gabadha watay caruurtaasi.

Ninkan iyo gabadha watay sagaalkan carruurta ayaa ay ciidamada booliska Dekeda Berbera qabteen xili ay ka soo degeen markab nooca bagaashka ah oo magaciisa la yidhaahdo MV Moro 2, kaasi oo ka yimid dalka Yemen, ka dibna ay ciidamada booliska ee ka hawlgala Dekeda Berbera ay ka shakiyeen labadan qof ee wata carruurtan tirada badan ee ay da’dooduna aadka u yar tahay, shakigaa ka dibna ay ciidamada boolisku baadhitaan ku sameeyeen labadan qof ee carruurta sitay.

Caruurtan ayaa isugu jira wiilal iyo gabdho ay da’doodu aad u yar yar tahay, waxaana loo malaynayaa in laga soo xaday xeryaha qaxootiga dalka Yemen, ilaa hada lama sheegin dhalashada caruurtan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com