Masuuliyiinta Caafimaadka Tog-dheer si adag uga digay Jadeecadda oo faro-baas ku haysa gobolkaas

Burco-(Somaliland.Org)-Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka ee gobolka Togdheer ayaa maanta si cad ugu dhawaaqday inay adag tahay sida loola tacaali karo xaaladda cudurka Jadeecada oo ku sii faafaya deegaanada gobolka togdheer. Isu duwaha caafimaadka ee gobolka Togdheer Dr. Cabdi Yaasiin, masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xarunta caafimaadka ee gobolka Togdheer iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda (WHO) […]

Maayarka Hargeysa Oo Qaabilay Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan G/deegaanka Jongkoping ee Sweden

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mayaarka caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ay weheliyeen Xildhibaano ka tirsan Golaha deegaanka ayaa maanta xarunta dawladda Hoose ku qaabilay Xildhibaan Ifraax Cali Kirix oo ka tirsan mudanayaasha golaha deegaanka Magaalada Jongkoping ee dalka Sweden oo socdaal rasmi ah ku timid todobaadkan magaaladda Hargeysa. Maayarka Magaalada Hargeysa Eng Xuseen Maxamuud Jiciir, […]

Ciyaarta weyn ee caawa labada Manchester

Manchester City iyo Manchester United waxay isaga hor imanayaan ciyaar ka mid ah kuwii ugu xiisaha badnaa tartanka horyaalka kubbadda cagta Ingiriiska ee sanadkan oo ka dhacaysa garoonka Etihad ee kooxda Arsenal ee magaaladan London.

Beesha Hayaag Oo Ku Gacan Saydhay Go’aan Ka Soo Baxay Kooxda Nabad-diidka Ah Ee Cali Galaydh

Buuhoodle (Somaliland.Org) Burbur xoog leh iyo khilaaf aad u ba’an ayaa la sheegay in uu soo dhex galay kooxda nabad-diidka ah ee Cali Galaydh. Ka dib markii xubno ka tirsan qurbe jooga la majaro habaabiyey ee taageera fidmo wadaha Cali Galaydh ay todobaadkii hore ku baahiyeen mareegaha internetka ee kooxdaasi adeegsato go’aan ay ku sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Boqor Cabdillaahi Daba-gooye oo ka mid ah madaxdhaqameedka Beesha Hayaag, oo ka tirsan beelaha deegaanka Buuhoodle.

Badhasaabka Sool oo C/Raxmaan Faroole uga digay daan-daansi uu ka wado Yoocadda

Laascaanood (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Sool Maxamed Maxamuud (Jeeni-yare) ayaa maanta si adag ugu digay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland C/Raxmaan Farroole oo uu ku eedeeyay inuu dhaq-dhaqaaqyo nabad-gelyo darro iyo dhul balaadhsi ka waddo deegaanka Yoocadde oo bari ka xiga magaaladda Laas-caanood oo ah xadka u dhaxeeya dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Badhasaabka Gobolka Sool waxa uu sidaasi […]

Agaasimaha Kalluumaysiga Oo Hadhimo sharafeed u sameeyay Tifaftiraha Guud Somalilandpress

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Guud ee wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Maxamed Aadan Cilmi (Ilkacase) ayaa maanta marti-qaad qado sharaf ay huteelka Fish and Steek ugu sameeyay Tafaftiraha guud ee shabakadda wararka ee Somalilandpress Maxamed Ibraahim Xaaji Cabdi oo socdaal fasax iyo shaqo iskugu jira ku yimid Somaliland oo ay ugu dambaysay afar sano muddo laga joogaa.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo afar qof ku xukumay dil toogasho ah

Hargeysa (Somaliland.Org)-Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali oo hawlo shaqo u jooga xarunta gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta xukun dil ku riday afar gacan ku dhiigle oo hore u galay danbiyo dil ah Gudoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland Md. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa xukunka dilkaasi gacan ku dhiiglayaasha kaga dhawaaqay xarunta maxkamadda […]

Guddida Wanaag Farista Gobolka Hawd Oo Wasaaradda Diinta Baaq U Diray

Baligubadle (Somaliland.Org) Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Gobolka Hawd ayaa ugu baaqay xukuumada Somaliland gaar ahaana Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta inay ka caawiyaan qalabka wacyigelinta iyo agab kale oo ay u baahan yihiin. Xubnahan ka mid ka ah Guddida Wanaag Farista magaalada Bali-gubadle oo maanta salaadii Jimcaha ka dib shirjaraa’id ku qabtay magaalada baligubadle […]