Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka hadlay masuuliyiintii loo xidhay musuqii Raashinka

Hargeysa (Somaliland, Org)-Xukuumadda Somaliland oo markii ugu horaysay ka hadashay Xadhigii guddoomiyihii Gaobalka Maroodi-jeex Maxamed X Cabdillaah (Xamaarji) iyo la taliyihii Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cismaan iyo Agaasimihii Wasaarada dibudejinta oo xukuumadu ay u xidhay arrimo musuq-maasuq, laguna edeeyay inay lunsadeen raashin mucaawimo ah, isla maraakana Jeelka dhexe ee Hargeysa kujira.

350 Arday oo sanadkan ka baxay dugsiyadda Sare oo Tababar Ciidan looga furay Mandheera

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiir ku Xigeenka Dhinaca Maamulka ee Wasaarada Arrimaha Gudaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cismaan Garaad Soofe ayaa Maanta tababar u furay Sadex boqol iyo Lixdan xubnood oo boolis ah dugsiga tababarka ciidanka ee Mandheera. Ciidankan ayaa ah ardaydii sannadkan ka baxay dugsiyada sare iyo jaamacadaha kuwaas oo loo qaatay Ciidamada booliska.

Weftigii Wasiirka Daakhiliga oo kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee UK

London (Somaliland.Org)- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo booqasho shaqo ku jooga Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa Maanta kulan balaadhan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Wadankaasi isla markaana uga Xog waramay Marxalada uu dalku ku jiro iyo doorka ay qurbo joogu ka qaadan karaan horumarinta Wadankoodii hooyo.

OGAYSIIS: SHABAKADDA WARGEYSKA DAWAN

Waxaanu dadweynaha sharafta leh ee reer Somaliland gudo iyo dibad-ba inay wararka Wargeyska DAWAN, si joogto ah uga daalacan karaan shabakadda wargeyka oo ah dawannews.com. Sidaasi darted waxaanu la socod siinaynaa akhristeyaasha sharafta leh inay mareegtada wargeyska DAWAN si joogto ah uga heli karaan wararka iyo barnaamijyadda wargeyskaasi. AllAA Mahad Leh Maamulka Wargeyska DAWAN EMAIL: […]

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Galbeedka Oo Gacanta Ku Dhigay Tahriibeyaal

Hargaysa (Somaliland.Org):- Ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland, ee ku sugan xeebaha galbeedka ee dalka ayaa shalay gacanta ku dhigay 45 ruux oo isugu jiray 5 Soomaali ah iyo 40 Itoobiyaana oo tahriibayaal ah iyo 2 nin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland oo iyagu ahaa gadhwadeenada dadkan tahriibinayay, kuwaasi oo ka dhoofayay xeebta Buula Cado ee gobolka Salal.

Maalinta Qaaxadda Adduunka oo si weyn looga xusay Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Agaasimaha Cisbitaalka Qaaxada Dr. Cismaan Cabdi Maygaag iyo Mas’uuliyiin Sare oo ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO, ayaa maanta ka qayb galay Munaasibad balaadhan oo loo sameeyay Xuska Maalinta Qaaxada Adduunka oo sannad kasta la qabto 24-ka bisha March. munaasibadan oo lagu qabtay Xarunta Cisbitaalka Qaaxada ee Caasimada Hargaysa waxa kale oo […]

WADANI oo awoodiisa ku muujiyay dhoola-tus weyn oo ay Taageereyaashiisu ka sameeyeen Ceerigaabo

Ceerigaabo (Somaliland.Org)- Kumanaan qof oo ka mid ah Taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta dhoola-tuskii u weynaa ka sameeyay Fagaaraha banaanka labadda Masaajid ee badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka qabsoontay hawl-galkii tiro-koobka madax-taabashadda ahaa ee Gudidda diiwaan gelintu ay ku qiimaynayeen Ururadda cusub ee siyaasadda. Kumanaan ka mid ah taageereyaasha […]

Maareeyaha Warshadda laydhka oo Ka Hadlay isbedelka ku yimid saacidihii dabkoodu bixi jiray

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maareeyaha warshadda Korontadda ee Somaliland Md Weli Axmed Xaawa,ayaa maanta shaaca ka qaaday in laydhka wershadda korontadu uu hadh iyo habeenba u shaqeynayo dadweynaha. Maareeyaha wershadda laydhka oo maanta u waramayey Saxaafadda ayaa sheegay inay dedaal dheeraad ah iyo karti fara-badan oo ay sameeyeen shaqaalaha iyo maamulka hay’adda korontadda ee Hargeysa, ay suurta galisay […]

Wefti ka socda Golaha Guurtida Somaliland Oo u kicitimay Magaaladda Jig-jiga

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wefti uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gudida Joogtadda ee Golaha Guurtida Md. Muxumed Aw-Axmed iyo Xildhibaano ka tirsan Golahaasi ayaa shalay u kicitimay xarunta dawlad-deegaanka Soomaalidda Itoobiya, halkaasi oo madaxda is maamul goboleedkaasi kala hadli doonaan sidii loo joojin lahaa dagaallo khasaare badan dhaliyay ka dhacay deegaamo ka mid ah degmadda Gaashaamo oo u dhaxeeyay dad rayid ah iyo ciidanka gaarka ah ee Liyuu Booliska.

Wasiirul dawlaha Maaliyadda Somaliland Oo kulan la yeeshay Badhasaabka Gobolka Minnesota

Minnesota (Somaliland.Org)- Wasiirul-dawlaha cusub ee maaliyadda Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) ayaa shalay kulan la yeeshay badhasaabka Gobolka Minnesota Mr. Mark Dayton, oo ay Weheliyaan Xildhibaanka Golaha odayaasha Maraykanka kaga jira Minnesota Senator Jeff Hayden iyo masuuliyiin kale oo ay ka tirsan maamulka gobolkaasi. Badhasaabka iyo Masuuliyiinta kaleba waxay dhambaal hamblyo ah u direen wasiirul-dawlaha cusub ee Maaliyadda.

Shirkadda Red-sea oo sheegtay inay soo gabo-gabayn doonto shiidaal yarida dalka ka jirta

Hargeysa (Somaliland.Org)- C/raxmaan Abshir C/laahi,oo ka mida Saraakiisha sar sare ee shirkadda Red Sea, ayaa daboolka ka qaaday inay shirkadoodu ka qaybgelayso tartanka keenista Shiidaalka iyo Haamaha Berbera, soona dhaweeyay go’aanka xukuummaddu ku fasaxday Qandaraaska ay ku bixinayso. Shirkadda RED SEA waxay diyaar u tahay buuxinta wixii shuruudo ah ee looga baahanyahay ka-qaybgalayaasha tartanka keenista […]

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay Geerida Cabdilaahi Yuusuf

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo Shacbiga Soomaaliya ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum- Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo maanta ku geeriyooday dalka Imaaraadka carabta.

Xukuumadda Somaliland Oo sheegtay inay fulinayso Go’aamadii ka soo baxay Shirweynihii London

Belgium (Somaliland.Org) Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin fulinta qodobaddii ka soo baxay shirweynihii caalamiga ahaa ee London, sidaasna waxa dalka Beljium ka sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar. “Ka xukuumadd ahaan mar walba waxaanu tixgelinayna qoddabadii ka soo baxay shirkii London ee ku saabsan inay wadahadalan Somaliland iyo Dawladda […]