Wasiirka Arrimaha dibadda oo dalka dib ugu soo laabtay

Hargeysa, (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka war-bixiyey socdaal shaqo oo in mudda ahba ugu baqana waddamo ka tirsan qaaradda Yurub.

Wasiirka oo warbaahinta ugu waramayey qolka nasashadda ee madaarka hargeysa, ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisu ay dalka Buljum kaga qaybgalay kulankii baarlamaanadda Yurub “Safarkaasi wuxuu ka danbeeyey martiqaad ay xukuumadda Somaliland ka heshay ururka midawga Yurub khaasatan Baarlamaanka.”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibada Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar

Wasiirku waxa uu hadalkiisii sii raaciyey “ Booqashadda ama safarka oo ka danbeeyey shirkii magaaladda London ka dhacay bishii labaad ee sannadkan ee arrimaha Soomaalida lagaga hadleyey ee ay Somaliland ka hadashay, shirkaasi oo madaxweynuhu ka jeediyey khudbad uu kaga dalbanayo beesha caalamka inay Somaliland ula shaqayso arrimo fara-badan oo Somaliland horyaala oo ay nabadgeliyaddu ka mid tahay oo halka horumarka ee dhaqaaluhu ka mid yahay oo ay siyaasaddu ka mid tahay inay beesha caalamku kala shaqayso.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa