Ururka NASIYE Oo Cayimay xiliga uu qabsanayo shirweynahooda koowaad

Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur-siyaasadeedka NASIYE, ayaa sheegay inay qabsanayaan shirweynahooda koowaad 11-ka illaa 12-ka Bisha April ee fooda inagu soo haysa.

Sidaasna waxay ku sheegeen war-saxaafadeed kooban oo uu maanta soo saaray Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka NASIYE Axmed Muxumed Cumar, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Sida ku xusan jidwalka qiimaynta ururadda siyaasada JSL ay u qorshaysay Gudida diiwaan gelinta iyo ansixinta axsaabta, qabashada shirweynaha koowaad ee ururadda siyaasadda ayaa ah mid ka mid ah shuruudaha looga baahan yahay in dhammaan ururadda siyaasaddu buuxiyaan.

Haddaba, si aanu urur ahaan si habsami ah ugu buuxino shuruudaas, waxaanu halkan ka baahinaynaa inaanu u qorshaynay qabashadda shirweynaha koowaad ee Ururka NASIYE maalinta Arbacada iyo Khamiista ee ay taariikhdu tahay 11- illaa 12-ka April.
Sidaas awgeed waxaanu ogaysiinaynaa maamuladda iyo taageereyaasha Goboladda dalkaa ee ururka NASIYE inay u diyaar garoobaan ka soo qeyb galka shirweynaha koowaad iyadoo loo soo sheegi doono tiradda ergada gobol kasta uga soo qeyb galaysa shirweynaha koowaad.

Dhinaca kale, waxaan isla maanta magaacabay Gudida qaban qaabadda shirweynaha oo ka kooban 7 xubnood oo kala ah
1-Maxamed Xuseen Dhabeeye (Afgaradka) Guddoomiye.
2-Dr. Cumar Cismaan Cartan
3-Mukhtaar Cabdi Jaamac
4-Buraale Jibriil”

5- Xasan Cabdi Shire
6- Mustafe Maxamed Daahir
7-Farduus Siciid Dirir.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com