Madaxweyne Ku xigeenka oo xadhiga ka jaray cisbitaal weyn oo laga hirgeliyay galbeedka Hargeysa

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/cistbitaal-1.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray Cisbitaal cusub oo laga hirgeliyay galbeedka magaaladda Hargeysa oo uu sameeyay Dr. Cali Axmed oo ah muwaadin u dhashay Somaliland.

Xaflada Furitaanka Cusbitaalkan loo qabtay oo ka dhacday xarunta Cusbitaalkaasi oo ku yaala Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa ka waxa kale oo ka soo qayb galay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog), Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, Sh. Maxamed Aadan, Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Dheeg), Dr. Cali Maxamed (Aas aasaha Cusbitaalka), Dr. Cabdi C/laahi Cali.

Dr. Cali Maxamed oo ah aas aasaasaha Cisbitaalka, waxaanu u mahad-naqay dhamaan dadkii kala shaqeeyey sidii uu u hir gali lahaa Cusbitaalkani, waxaana hadaladii Dhakhtarka ka mid ahaa waxaanu yidhi “Dhamaantiin aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin, rayigan dhisitaanka Cusbitaalku waxa uu igu dhashay 11-sano ka hor, waxaanan bilaabay sanadkii 2003-dii, waxaanan halkan uga mahadnaqayaa Eng. Cismaan oo isagu iga caawiyey Riiga, isla markaana aan ilaa hada I weydiin wax lacag ah oo aan biyaha uun iska dhurto, waxaanan sidoo kale u mahadnaqayaa Cawil oo isna ah Qolada Carwada oo waxa qalab ee Cusbitaalka yaala aan ka soo qaatay, sidoo kale waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cid alaale iyo cidii igala qayb qaadatay sidii Cusbitaalkani u hir geli lahaa”.

<

“Anigu waxaan sidoo kale ku dedaalayaa sidii Ardeyda Jaamacadaha ee wax lagu barayo Cusbitaalkan aan sidoo kale u bari lahaa Diinta,isla markaana in Cusbitaalkan wax lagu baro Ardeyda jaamacadaha Diyaar ayaanu u nahay, waxaanan halkan ka balan qaadayaa in 100 Sariiroodba toban sariirood bilaash ka dhigi doono, taasina sida loogu qaybinayo Culimada ayaan u dhiibayaa,”ayuu yidhi Dr. Cali Axmed.

Dr. Cali oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Xanuunka Fistulaha ee isku furanka Haweenka waxaanu diyaar u nahay in aanu halkan ku daweyno, sababta oo ah habka loo daweeyo xanuunkan waxaan ku soo qaatay Tababarkiisa dalka Itoobiya.”

Madaxweyn ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), waxaanu sheegay in baahi weyn loo qabay cisbitaalka noocan oo kale ah waxaanu yidhi “Waxaan halkan uga mahadnaqayaa Dhakhtarka mudada badan u soo samrayey dhisitaankiisa, waxaanan aad iyo aad ugu faraxsanahay in hada ay dhakhaatiirtii dalka u dhalatay dalka dib ugu soo noqdaan si ay u maalgashadaan dalkeenan curdinka ah.”
“ Imika markaynu maraynay Cusbitaalka waxaan u haystay Cusbitaalkii Dubay ku yaalay oo wakhti aan yara xanuunsaday daweyntiisa u tagay. Dadka Somaliland waxaan leeyahay dalkiina aamina oo xanuun dalka gudihiisa wax lagaga qaban karo dibada ha u tagina,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Guuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Kolay waxan aan ka hadlayo ee Dhakhtarnimadu shaqadayda maaha.Dhakhtar Cali (aas aasaha Cusbitaalka) fasalkii koowaad ayaanu isku galaas ahayn, waxaanu naga tagay fasalkii sideedaad waxa uu tagay Banaadir oo Boobe ayey isku fasal ahaayeen markaa waxa uu soo bartay dhakhtarnimada”.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “ Markaad halkan (Cusbitaalka Shifo) joogtid, waxaad moodaysaa inaanad Hargeysa ku sugnayn oo Lacagtu markay wax tarto waa markay ku jirto qof Caqli leh oo hagaajinaya, imisa qof ayaa maanta lacag badan haysta oo intay iska kaydsadaan marka laga dhinto la isku dilaa? Aadbay u badan yihiin”.

Wasiirka Caafimaadka Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen Xoog) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waano badan oo dhinaca Caafimaadka ah Bulshada u soo jeediyey, isaga oo kula taliyey in ay dalka aaminaan oo aanay wadamada Qurbaha u tagin xanuun dalka wax lagaga qaban karo, waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa
“ Munaasibadan Cusbitaalka Shifo maanta lagu furayo waa mid taariikhi ah waxaanan leeyahay marka hore ILAAHEY ka dhigo Cusbitaalkii Barako leh oo bulshada wax u tara. Ka Wasaarad ahaan waxa naga go’an in la koriyo Cusbitaalada gaarka loo leeyahay, waayo ma jirto Awood ay Xukuumaddu ku daboosho baahida caafimaad ee Bulshada,”ayuu yidhi Wasiirka caafimaadka.

Suldaan Axmed Daahir oo ka mid ah Suldaanada Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Dr. Cali oo ah aas aasaha Cusbitaalkan oo aan ILAAHEY uga baryayo inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, waxaanan Xukuumadda ku boorin lahaa Cali waxa ka soo fogeeyey in Cusbitaalka ka dhiso magaalada meel ka baxsan waa dhibaato dhul, waayo meeshii la siiyey waa lagu dhibay, meeshan ficil baa lagu siiyey oo markii halkii hore ee uu iibsaday lagu qabsaday ayuu iska daayey oo halkan ayuu Cusbitaalka ka dhisay.

Sh. Ismaaciil Cabdi Hurre (Ismaaciil Dheeg) oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u duceeyey Cusbitaalkan cusub, waxaanu ILAAHEY uga baryey inuu ka dhigo Cusbitaal Bulshada wax weyn tara.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com