Gudida dhaqaalaha oo Wakiiladda horkeenay odoroska Miisaaniyadda 2012-ka

Hargeysa, (Somaliland.Org)-Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa fadhigoodii maanta oo shirgudoominayey gudoomiyaha golahaas Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa goluhu waxa uu war-bixin ka dhegaystay Guddiga dhaqaalaha golaha wakiiladda.

Xoghayaha guddigga dhaqaalaha ee golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Cali Xasan Maxamed (Cali mareexaan) oo war-bixinta guddiga u jeediyey golaha ayaa u sheegay in guddigoodu muddo soo darsaysay miisaniyadda dawladda ee sannadka 2012-ka.

Xoghayaha guddiga dhaqaalaha golaha wakiiladda Somaliland Xildhibaan Cali Xasan Maxamed waxa uu sheegay in miisaniyadda qaranku ka koobnayd laba qaybood oo kala ah:-

Miisaniyadda hay’addaha madax-bannaan iyo miisaniyadda dawladda dhexe, taasi oo ay weheliyaan kabkabka goboladda bari oo ahayd 2%.Miisaniyadda sannadkan oo dhan sideed boqol iyo sideed iyo toban milayn iyo todoba boqol labaatan iyo sideed malyan oo shillika Somaliland ah, waxay tahay ayuu yidhi Xildhibaanku miisaniyadii ugu badnayd ee Somaliland loo sameeyey ama golaha la horkeeno in iyo intii ay jirtay Somaliland.
Xoghayaha guddiga dhaqaalaha ee golaha wakiiladda Md Cali Xasan Maxamed (Cali-Mareexaan), waxa uu xusay in masuuliyiinta hay’addaha dawladda ee kala duwan ee ay la kulmeen intii ay daraasaddkan wadeen ay dhamaantooda ballanqaadeen inay u guntan doonan sidii miisaniyaddan oo ah mid aad u badan looga dhabayn lahaa soo saarideeda.

Dhinac kalen, guddoomiyaha golaha wakiiladda, ayaa fadhigii maanta xildhibaanadda hortooda ku hambalyeey agaasimaha maamul-ka ee golaha Maxamuud Saleebaan Cumar oo halkaasi ku soo bandhigay mareeg internet-ah oo goluhu yeelan doono, taasi oo baahin doonta wararka iyo qorsheyaasha golaha.

Somaliland.org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com