Roobkii Gu’ga oo caawa ka curtay deegaamo ka tirsan Awdal iyo Gabiley

Hargeysa (Somaliland.Org)-Raxmaadkii Gu’ga ee Sannadkan ayaa galabta ka curtay deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolada Awdal iyo Gebilay.

Siday caawa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda ee la yidhaahdo SOLNA, roob lagu qabowsaday ayaa 6:00 dii makhribnimo ee caawa ka da’ay Magaalada Boorame ku sinaa illaa degmada Dila ee bariga gobolka Awdal.

Dhinaca kale Wararka ka imanaya degmada Tog-wajaale ee Gobolka Gabilay ayaa sheegaya in roobab googoos ah oo dad iyo duunyaba lagu qabawsaday ay galabta abaaro Shantii iyo Afartan daqiiqo ay ka da’een jiido kala duwan oo ka tirsan deegaanadaasi.

Raxmaadkan Gu’ga ee sannadkan ayaa dhabarka ka jebinaya jiilaal adag oo ka taagnaa Guud ahaan Gobolada dalka. kadib markii xili roobeedyo di’I jiray ay xiliyadoodii ka baaqdeen.

Guud ahaan dadweynaha ku dhaqan Gobolada Gebilay iyo Awdal ayaa eebe uga mahad-celiyay curashada roobka Gu’ga ee Sannadkan isla markaana ilaahay ka baryay inuu ka saaro dalka oo dhan abaarta adag ee ka taagnayd raxmaadkiisana ku maansheeyo.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Cumarmfaarax@hotmail.com