Maamulka G/Salal oo 55 Tahriibe ku qabtay Aasha-cad

Saylac (Somaliland.Org)- Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Salal Cali Allaale Riyaalle ayaa sheegay inay xalay cawayskii ku qabteen magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal 55 qof oo tahriibeyaal ah kuwaasi oo doonayay inay sifo sharci darro ah uga tahriibaan biyaha xeebta Saylac.

Badhasaab ku xigeenka oo u waramayay Saxaafaddu wuxuu sheegay in tahriibeyaashaasi ay iskugu jireen rag iyo dumar dhalinyaro ah. “Waxaanu xalay qabanay aasha-cado 55 tahriibe oo doonayay inay ka tahriibaan xeebta Saylac, tahriibeyaashaasi dhammaantoodba ah Oromo. Waxa lagu hayaa saldhiga booliska degmadda Saylac,”ayuu yidhi Cali Allaale Riyaalle,

Badhasaab Ku xigeenka wuxuu sheegay inay wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Ha’yadaha ammaanka kala tashanayaan sidii dadkaasi dib loogu celin lahaa dalkooda Itoobiya.

Cali Allaale wuxuu sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonaan cidii lagu qabto inay ka tahriibaan xeebta Gobolka Salal.

Sidoo kale, Taliyaha Saldhiga Booliska Saylac Keyse Suudi Caraale ayaa sheegay in tahriibeyaashan ay xaaladooda caafimaad fiican tahay.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com