Boorame: Dadweyne waddo 1-km ah iskaa wax u qabso ku dhisanaya markii ay ka quusteen D/Hoose

Boorame (DAWAN)- Dadweynaha xaafadda Sh. Cismaan ee galbeedka Boorame,ayaa bilaabay dhismaha waddo 1-km ah oo carro-tuul ah oo ay iskaa wax u qabso ku dhisayaan, wadadaasi oo isku xidhi doonta xaafadaas illaa badhtamaha suuqa Boorame.

Oday Abiib Muxumed oo ka mid ah waxgaradka xaafadda Sheekh Cismaan ayaa maanta ka hadlay dhismaha wadadan oo uu xusay inay baahi weyn u qabeen, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaanu maanta bilaabaynaa waddo caro-tuul ah oo ay bulshadda xaafaddu ku dhisayso iskaa wax u qabso, wadadan oo aanu baahi weyn u qabnay waxay isku xidhaysaa xaafadda Sh. Cismaan ilaa badhtamaha Suuqa Magaalada Boorame. Waxaan u mahad celinayaa dadweynaha xaafadan oo u soo baxay inay iskaa wax u qabso ku dhisaan wadan.”

“Marka roobku da’o xaafadayadu way ka go’doontaa magaaladda inteeda kale, nasiib darro dawladda Hoose ee Hargeysa oo aanu in badan kala hadalay sidii wadadan loo dhisi lahaa waxba kumay darsan waxbana nalamay qaban haddana cashuur uun bay naga qaadaa,”ayuu yidhi Oday Abiib Muxumed.

Sidoo kale, wuxuu dawladda hoose ee Boorame ku eedeeyay mid shaqadeedii gabtay oo fadhiid ah.
Sidoo kale, xubno kale oo ka mid ah qeybaha kala duwan ee bulshadda xaafada Sh, Cismaan ayaa sheegay in markii ay u adkaysan waayeen waxqabad la’aanta dawladda Hoose ay bilaabeen inay dadweynuhu isku tashadaan oo ay dhistaan waddo Gaadiidku u soo maro.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com