Ururka WADANI oo noqday Ururkii u horeeyay ee Iclaamiya xiliga uu qabspoomayo shirweynahoodii

Hargeysa (Somaliland.Org)- Urur siyaasadeedka WADANI ayaa noqday ururkii u horeeyay ee iclaamiya xiliga uu qabsan doono shirweynihiisa oo ay qoondeeyeen inuu magaaladda Hargeysa uu ka qabsoomo 8-9-ka bisha fooda inagu soo haysa ee April.

Sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha Ururkaas Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi waxaanu magacaabay 23 xubnood oo ah Gudida qaban qaabadda shirweynaha, kuwaasi oo ka kooban 23 xubnood.

War-saxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan:- “Iyada oo la fulinayo go’aanka asaasayaasha ururka WADDANI ee sumadiisu ahayd kuna GDU/AAS/96/2012 kuna taariikhaysnaa 07/03/2012.
Markaan tixgeliyey In la iclaamiyey in shirweynaha 1aad ee WADDANI lagu qabto Hargeysa 8-9 April 2012.
Markaan tixgeliyey Baahida degdega ah ee la qabo sameynta GuddidaQabanqaabada.
Markaan arkay Qod. 29aad Faq 12 ee xeerka ururka/xisbiga.
Marka la tashaday Madaxda iyo mas,uuliyiinta ururka.
Waxaan magacaabay xubnaha Guddida qaban qaabada Shirweynaha 1aad oo ka kooban 23 xubnood
1. Xasan Xuseen Maxamed Codyare
2. Maxamed Cabdillahi Uurcadde

3. Axmed Xuseen fagfagaash

4. Cabdillahi Siciid Ismaail

5. Muuse X Maxamed Guuleed

6. Mp Siciid Maxamed Cilmi

7. Axmed Cali Ubaxle

8. Cali Abdillahi Dagaal

9. Abdirisak Farax Xasan Qowdhan
10. Ahmed Muumin Seed

11. Fawsi Xaji Abdillahi

12. Sucaad Cabdillahi Xasan

13. Prof. Xuseen X Yuusuf Nur

14. Maxamed Xasan Dirir

15. Samsam Ismaaciil Xuseen

16. Faadumo Shaacib Odowaa

17. Mubaarak Cabdi Xasan

18. Najax Cabdilaahi Xasan
19. Dr Idiris Xaaji Nuur

20. Salax Muxumed Idiris (Idiris)

21. Jamac Maxamed Cabdi Hilaac

22. Axmed Maxamed Qalinle

23.Abdillahi Axmed Daamuur