Ciidanka Ilaaladda Xeebaha oo galabta koox budhcad badeed ah ku qabtay Xeebta Lughaya

Hargeysa (Somaliland.Org)- Ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland ayaa galabta ku qabtay koox budhcad badeed ah iyo laash ay wateen deegaanka Buulo-xareed oo 10 Km dhinaca galbeed ka xigta degmadd Lughaya Gobolka Awdal.

Sidaasna waxa noo xaqiijiyay Taliyaha Guud ee Ciidanka Ilaaladda Xeebaha Somalilnd Admiral Axmed Aw Cismaan, waxaanu yidhi “Abaarro 4:00 galabnimo ee maanta waxa ciidammadda ilaaladda xeebaha Somaliland ay gacanta ku dhigeen afar nin oo budhcad badeed ah iyo laashkii ay wateen,”ayuu yidhi Taliyaha ciidanka Ilaaladda xeebaha Somaliland.
Taliyuhu wuxuu sheegay in nimankan ay ka yimaadeen Magaaladda Boosaaso ee maamul goboleedka Puntland, una socdeen sidii ay Biyah Somaliland uga Afduubi lahaayeen Maraakiibta.

Axmed Aw Cismaan waxa uu ammaanay ciidanka ilaaladda xeebaha ee gacanta ku dhigay kooxdan, waxaanu xusay in ciidanka xeebuhu ay mar walba heegan culus kaga jiraan baddaha Somaliland.
Taliyuhu wuxuu sheegay inay nimankan budhcad badeeda ah la geyn doono xabsiga Hargeysa.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com