Wasiirka Maaliyadda oo kormeer Kedis ah ku tegay goobaha ilaha dhaqaalaha ee magaaladda Berbera

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md. Cabdi-casiis Maxamed Samaale, ayaa saaka kormeer kedis ah ku soo maray Kastamka Dekedda Berbera iyo Xafiisyadda goobaha ilaha dhaqaalaha ee magaaladda xeebta ku taalla ee Berbera, kormeerkaasi oo uu ugu kuur-galay habsami u socda adeegyada goobahaasi.

Kormeerkan oo ah kii ugu horreeyey ee u ku tago Berbera waxa ka horreeyey kormeer uu labadii maalmood ee ka horreeyay u ku maray xafiisyadda xarunta wasaaradda maaliyadda kuwaasoo uu mid mid u galay una hubinayey sida ay shaqeeyaan. Kormeerkan oo ahaa kii ugu ballaadhnaa ee qaado ayuu ku soo indho-indheeyay dhammaan goobaha dakhli ururinta iyo cashuuraha.

Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle, waxa uu kulamo la yeeshay madaxda hay’adahaasi gaar ahaana maareeyaha dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-Xoor), Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan(Ramaax) iyo Maayarka berbera Cabdale iyo shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee xafiisyaddaasi.

Booqashaddan ayaa noqonay tii ugu horreeyey ee Samaale ku maro goboladda dalka tan iyo intii madaxweynaha Somaliland u magacaabay wasiirka Maaliyadda Somaliland,
Wasiirku waxa uu isla maantaba dib ugu soo laabtay magaaladda Hargeysa, wax tafaasiil ahna kama uu bixin socdaalkiisan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland..Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com