Wasiirro ka warbixiyay Natiijadda socdaal ay ku tageen dalka Britain

Hargeysa (Somalilnd.Org)- Weftigii uu Hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo mudooyinkii u danbeeyay socdaal hawleed ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimada dalka ee Hargaysa.

Weftiga uu hor kacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka soo degay Gegida Diyaaradaha ee Cigaal
International Airport ee Magaaladda Hargeysa. waxa si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiirka ku
xigeenadda wasaarada arrimaha gudaha ee dhinaca maamulka Md. Cismaan Garaad Soofe iypo Wasiir Ku xigeenka arrimaha gudaha ee dhinaca ammaankaMd. Cabdilaahi Abokor iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada
ammaanka.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo qolka nasashada ee madaarka ugu waramayay Saxaafadda ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaamay sidii
Somaliland looga caawin lahaa dhismaha wasaaradaha arrimaha gudaha iyo cadaaladda oo uusaldhig u ah dhismaha iyo xoojinta hay’adaha ammaanka.

“Ujeedada socdaalkayagu wuxuu ahaa marka la soo ururiyo sidii loo dhisi lahaa labadaas Wasaaradood oo ah saldhigii amniga. Cadaalad haddii la waayo nabadi ma jirto. Haddii nabad-la waayana cadaaladi ma jirto, waana laba wasaaradood oo isku adeegga oo ah saldhigii ama aasaaskii dawladnimo,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirkaa oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaad ogtihiin gacanta weyn ee ay dawlada Ingiriisku ka geysato Ha’yadaha ammaanka iyo Cadaaladda Somaliland. Waxaynu tabaynaa in wax badani Maqan yihiin. Waxaanu u maqnayn sidii la inooga kabi lahaa arrimahaasi dhisme iyo Tababaraba. Inshaalaah wax badan ayaa ka soo bixi doona safarkayaga.”

Wasiirku wuxuu u gudbiyay Saxaafadda fariin ay Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriisku soo fartay waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka soo gudbinayaa fariin ay dadkaasi ay warbaahinta iyo dadweynaha ay u soo fareen, dadkaasi waxay madluun ka yihiin waxyaabo badan oo Saxaafadeena iyo dadkeenu caadaysteen oo ah in afar qof intay warbaahinta soo hor-fadhiistaan magac beeleed ku hadlaan. Waxaanan filayaa inay taasi ceeb ku tahay ummadda.afar qof oo aan bulsho matalin ayaa ku hadlaya magac reer dabadeedna waxa laga sii daynayaa warbaahintii waxaanay ceeb ku tahay dalkii iyo dadweynihii. Dadkeena dibada arrintani wel wel ayay ku abuurtay.”

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheegay inay la kulmeen madax iyo mas’uuliyiin
ka tirsan dawlada Ingiriiska isla markaana ay rajaynayaan in wax badani u qabsoomaan.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka Somaliland Mudane Xuseen Axmed Caydiid oo xubin ka ahaa Weftigan ayaa ka hadlay dib ugu soo celinta Somaliland ee kooxaha budhcad badeeda ee ku xidhan wadamada ka durugsan Somaliland, wuxuu ku dooday inay arrintaasi xukuumaddu u aqbashay bini’aadamnimo.

Wasiirka Cadaaladdu wuxuu sheegay inay dawlada Ingiriiska ka wad hadleen sidii loo soo celin lahaa maxaabiistaasi. Waxaanu carabka ku dhuftay in 19 kii maxbuus ee u horeeyay ee budhcad badeed Soomaali ah dhawaan dalka la keeni doono.

Weftigan uu hogaaminayay Wasiirka arrimaha gudaha waxaa xubno ka ahaa Taliye ku xigeenada Ciidamada booliska iyo Asluubta iyo mas’uuliyiin kale.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somalilnd.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com