Golaha Guurtida Somaliland oo warbixin ka dhegaystay Wasiirka dib u dejinta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta warbixin ka dhegaystay Wasiirka dib u dejinta Somaliland Md. C/Risaaq Cali Cismaan, waxaana fadhigan guddoominayay Ku simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee aqalka odayaasha Sh. Axmed Sh. Nuux Furre.

Wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta Somaliland Md Cabdirisaaq Cali Cismaan, ayaa golaha uga war-bixiyey hawsha ay wasaaraddoodu u xill-saaran tahay ee qaranka iyo waxqabadkeeda. Waxaanu xusay inay hadda wasaaraddu gacanta ku hayso shan mashruuc.

Md Cabdirisaaq waxa uu sheegay inay wasaaraddu ay u kala baxdo afar waaxood oo kala ah; Waax da maamulka, Waaxda qaxoontiyadda, Waaxda tahriibayaasha iyo Waaxda dib-u-dejinta.

Wasiirka oo ka hadlay mashaariicda hadda socda inay kala yihiin mashruuca xoolaynta ee reer guuraaga, mashruuca biyanta, mashruuca tabobaradda xirfadlayaasha, mashruuca horumarinta beeraha iyo mashruuca dib-u-dejinta barakacayaasha, oo ay ka faa’iidaysteen kumanaan kun oo muwaadin.

Wasiirka dib-u-dejinta Somaliland waxa uu sheegay inay wasaaraddu fulisay qorsheyaal dib loogu celinayo dadka qaxoontiga ah ee ku sugan Somaliland.Iyadda oo dalka aynu dariska nahay ee Itoobiya dib loogu celiyo qaxoonti dhan toddoba boqol iyo sideed iyo lixdan ruux oo iyagu dalbaday inay dalkooda dib ugu noqdaan. Halka sida oo kalena ay dadka reer Somalilan ahi dib ugu soo noqdeen waddamad Liibiya iyo Yemen xiliyaddii ay rabashaduhu ka aloosnayeen waddamadda.

Gebagebadii fadhigii maanta ee golaha guurtida Somaliland, ayaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee golaha guurtida Somaliland Sh. Axmed Sh Nuux Furre waxa ku wargeliyey dhammaanba xildhibaanadda golahaas inay fasax yihiin labada ayaamadood ee ugu dambeeya todobaadkan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com