Daahir Rayaale oo Markii u horeysay Booqasho-sharaf ku tagay Qasriga madaxtooyadda

a href=”http://www.somaliland.org/images/b/2012/03/rayaale3.jpg”>Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay booqasho sharafeed ku tagay xarunta Madaxtooyadda Somaliland tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka wareejiyay 27-kii July 2010-kii, waxaanu kulan albaabaddu u xidhnaayeen kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Kulankaasi oo aan wax war ah laga soo saarin, ayay ilo xog ogaal ah oo ku dhowaa u xaqiijiyeen shabakada warrka ee Somaliland.Org inay labada Masuul iska xog-waraysteen xaaladda dalka.
< Sidoo kale, waxa Madaxweynihii hore ee Somaliland uu booqasho sharafeed iyo kulan albaabaddu u xidhnaayeen la yeeshay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).


Talaabaddan ayaa ah mid tusmaynaysa heerka bisilka siyaasiyiinta axsaabta qaranku marayso iyo midnimadda iyo dimuqraadiyadda ka jirta Somaliland oo ah dal curdin ah oo aan aqoonsi ka haysan beel-weynta caalamka, hase yeeshee dadkiisu oo qudhi ay aqoonsan yihiin.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com