SONSAF oo qabtay kulan Lagaga Hadlayay Sanduuq ay Britain iyo Denmark u sameeyeen Somaliland

Hargeysa(Somaliland.Org)-Dallada ururada aan dawliga ahayn ee Sonsaf ayaa soo gabagabeeyey kulan lagaga hadlayey sidii loo maamuli lahaa sanduuqa dhaqaale ee dhawaan beesha caalamku ugu dhawaaqday inay u samaysay wadanka somaliland. Kulankan oo labadii maalmood ee ugu danbeeyey ka socday Hotel Maansoor ee magaalada hargeysa ayaa waxa ka qayb galay xubno ka socday dhamaan gobolada somaliland iyo xubno caalamiya.

Roobkii Gu’ga oo caawa ka curtay deegaamo ka tirsan Awdal iyo Gabiley

Hargeysa (Somaliland.Org)-Raxmaadkii Gu’ga ee Sannadkan ayaa galabta ka curtay deegaamo door ah oo ka tirsan Gobolada Awdal iyo Gebilay. Siday caawa faafisay wakaaladda wararka ee dawladda ee la yidhaahdo SOLNA, roob lagu qabowsaday ayaa 6:00 dii makhribnimo ee caawa ka da’ay Magaalada Boorame ku sinaa illaa degmada Dila ee bariga gobolka Awdal. Dhinaca kale Wararka […]

Marwadda Koowaad oo abaal marin gudoon siisay Marwo Shukri Bandarre

Hargeysa (Somaliland.Org)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Waris Sh,Maxamed Jirde ayaa abaal marin gaar ah Gudoon-siisay marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ah Madaxa hay’ada Wadaniga ah ee Candle-light oo ku guulaysatay dabayaaqadii sannadkii 2011- kii abaal Marinta uu bixiyo Ururka ka hortaga Xasaradaha Caalamiga ah ee ICG taas oo lagu qabtay xalay Hotelka Ambassador ee Magaalada Hargaysa.

Maamulka G/Salal oo 55 Tahriibe ku qabtay Aasha-cad

Saylac (Somaliland.Org)- Badhasaab Ku xigeenka Gobolka Salal Cali Allaale Riyaalle ayaa sheegay inay xalay cawayskii ku qabteen magaaladda Saylac ee xarunta Gobolka Salal 55 qof oo tahriibeyaal ah kuwaasi oo doonayay inay sifo sharci darro ah uga tahriibaan biyaha xeebta Saylac.

Ergadii Guurtida ee u socdaalay Jig-jiga oo ka waramay Natiijadii Socdaalkooda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xubno ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha gudida joogtada ah ee aqalkaasi Mudane Muxumed Aw Axmed kana soo noqday Xarunta dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga isla markaana kala soo xaajooday Maamulkaasi wax ka qabashada dagaalo ka dhacday dhawaan degmada Gaashaamo ayaa maanta ka warbixiyey safarkoodii nabad-doonimo ee ay ku tageen magaalooyinka Jigjiga.

Xaflad qaadhaan loogu ururinayo Biyo xidheen Korontadiisa la soo gaadhsiinayo Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay Wahelinaayen xubno ka mid ah Golaha Wasiirradda iyo Wakiilka Itoobiya u fadhiya Somaliland, ayaa ka qayb galay Xaflad qaadhaan loogu ururinyay Biyo Xidheen laga dhaliyo laydhka Dalka Itoobiya oo korontadiisa la soo gaadhsiinayo Somaliland Mustaqbalka. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi […]

“Ma jirto wax la yidhaahdo Awdal State oo gobolka Awdal laga yaqaanaa”

Boorame (Somaliland.Org)-Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci,ayaa sheegay inaan deegaamadda Gobolka Awdal laga aqoon wax la yidhaahdo Awdal State, waxaanu si adag u beeniyay war ay baahiyeen qaar ka mid ah Mareegaha Internet-ka iyo Wargeyska WAAHEEN oo sheegay in laba sarkaal oo ka tirsan ciidanka qaranka kooxda Awdal state ka afduubatay magaaladda Gabiley dhawaan.

Daahir Rayaale oo Markii u horeysay Booqasho-sharaf ku tagay Qasriga madaxtooyadda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynihii hore ee Somaliland ahna Guddoomiyah xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta markii u horeysay booqasho sharafeed ku tagay xarunta Madaxtooyadda Somaliland tan iyo markii uu xilka madaxtinimada dalka wareejiyay 27-kii July 2010-kii, waxaanu kulan albaabaddu u xidhnaayeen kula yeeshay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).