Somaliland Shirka London Maxaa Uga Soo Baxay?

Somaliland Shirka London Maxaa Uga Soo Baxay?


By Rashid Garuf, Wakiilka Somaliland ee USA [Feb 28, 2012]

 

Hordhac

Somaliland waxay ka soo gudubtay muddo soddon cisho ah oo aad iyo aad looga doodayay in Somaliland tagto Shirka London iyo in kale: Markii doodahanu dhacayeen inta badan xog fiican lagama haynin sida shirku u dhacayo, laakiin shicibka Somaliland gudaha iyo dibadaba way ka qayb galeen doodan. Markii madaxwaynaha Somaliland go’aansaday in shirka laga qayb galo wuxu la galay wada tashi shicibka Somaliland, Guurtida, Barlamaanka, Salaadiinta, xisbiyada mucaaridka, ururada cusub ee tartanka isu diyaarinaya, Iyo ururada Bulshada. Dhamaan shicibkii Somaliland waxay taageereen go’aankii madaxwaynaha iyaga oo aad ugu rajo waynaa in Somaliland wax wanaagsani shirkan uga soo bixi doonaan. Laakiin aan farta saari karaynin waxaa wanaagsani waxay noqon doonaan, laakiin waxay aamineen madaxwaynaha iyo waftigiisii. Maqaalkan waxan Ku lafo gurayaa wixii Somaliland uga soo baxay shirka.

 

1-     Caalamkii oo balan qaaday inay Somaliland & Somalia wada hadalsiinayaan

 

2-     Balanqaadka UK – deeq $166 milyan oo dollar ah iyo inay dawlada UK furtaan safaarad ama xafiis Somaliland dhowaan

 

3-     xidhiidho cusub oo inooga soo kordhay wadamada qaarkood sida Turkiga oo kale

 

4-     Madaxwaynaha Somaliland oo qudbad u jeediyay madaxdii ka socotay konton dawladood

 

5-     Somaliland oo caalamka tustay in aqoonsigeedu waxtar uu leeyahay caalamka

 

6-     Shicibkii Somaliland oo muujiyay midnimo iyo inay ogyihiin xaalada maanta lagu jiro

 

 

1- Balanqaadka Caalamku Sameeyay si Somaliland iyo Somalia u wada hadal u dhex maro

 

Kontonkii dawladood ee shirka ka soo qayb galay waxay go’aankoodii ku soo dareen (qodobka lixaad) in la soo gaadhay xiligii Somaliland Iyo Somalia ay ka wada hadli lahaayeen sidii xidhiidhka ka dhaxayn doona mustaqbalka loo sii qeexi lahaa, caalamkuna waxay aqoonsadeed baahida loo qabo in wada hadal ka dhex dhaco Somaliland iyo Somalia oo macnaheedu tahay inay iyagu gogosha dhigayaan. Ujeedada arrinkan ka danbeysaana tahay hadii aan imika la dhamaynin kala baxa waa arrin caalamka ku keeni karta xasilooni darro mustaqbalka. Markaa caalamku waxay diyaar u yihiin inay dhigaan gogosha Somaliland iyo Somalia ku wada hadlayaan. Arrintanu waa arrin Somaliland ay soo dhowaysay in caalamku dhigayo gogoshii la isku nabad gelyaynayay, ee Somaliland iyo Somalia ku noqonayeen laba Wadan oo jaar ah oo nabad waartaa ka dhexayso, oo isku ixtiraama xuduudahooda. Caalamka oo hore aan arrinkan ugu dhiiranini waxay imika arkeen in Somaliland ay marayso xaalad aan indhaha laga qarsan karin; waajibna ay tahay in arrinkan la dhex galo inta aan xaalad cusubi dhalan. Imaatinka Somaliland timi shirka ayaa caalamka u sahlay go’aankan. Arrinkanu wuxu ku qoran yahay qodobka lixaad ee qoraalkii shirka ka soo baxay.

 

2- Dawlada UK oo Somaliland u fidisay deeq dhan $166 milyan uguna balanqaaday inay xafiis ka furanayso Somaliland

 

Waxa ka soo baxay laba shir oo kale duwan oo dhexmaray Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Silanyo iyo Andrew Mitchell, Wasiirka Horumarinta ee UK iyo William Hague, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee UK; laba arrimood oo muhiima, kuwaas oo kale aha (a) in dawlada UK ay siinayso Somaliland deeq lacageed oo dhan $166 milyan oo dollar saddexda sanadood ee soo socda. Arrinkan oo qoraalkeedii Ku soo baxay warsaxaafadeed lagu daabacay web siteka Dawlada Ingiriiska maalintii Arbacada, Feb 22keedii (b)  in ay dawlada UK ay ka furanayso xafiis \safaarad Somaliland dhowaan, xafiiskaas oo ka masuul noqon doona xidhiidhka labada waddan ka dhexeeya ee kor u sii kacaya.

 

3- Xidhiidho Cusub oo inoo soo kordhay – Dawlada Turkiga;

 

Madaxwaynaha Somaliland wuxu Kulamo la yeeshay dawlado aan Somaliland hore xidhiidh ula samaysanin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dawlada USA, Turkiga iyo Qatar. Kulamadaas waxa Madaxwaynaha uga suurto galay inuu casuumad u fidiyo in Dawlada Turkigu ay booqasho ku timaado Somaliland. Dawlada Turkigu casuumada way aqbashay. Dawlada Turkiguna iyagu a waxa ay Dawlada Somaliland ku casumeen in ay booqasho Ku timaado Turkiga, Dawlada Somalilandna way aqbashay. Waxa kale oo Dawlada Turkigu Somaliland ugu balan qaaday in ay Somaliland siin doonto caawimo dhinaca Horumarinta dhaqaalaha ah. Labada dawladood waxay ku heshiiyeen in xidhiidhkooda halkaa kor looga soo qaado marka ay iswaydaarsadaan safarada ay ka wada hadleen. Arrintana waxa suurto geliyay imaatinka uu Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Silanyo yimi shirka London iyo fursada uu helay inay kula kulmaan Dawlada Turkiga. Waxa intan dheeraa shirar kale oo gaar gaar ah oo madaxwaynaha Somaliland la galay madaxdii ka soo qayb gashay shirka, laguna balamay in mar kale la is arko.

 

4- Madaxweynaha Somaliland oo qudbad ujeediyay konton Dawladood

 

Waxa marnaba mid la hawl yaraysto aan ahayn in Madaxweynaha Somaliland qudbad u jeediyay konton waddan oo shirka ka soo qayb galay (tanu waxay la mid tahay maddaxwaynaha oo kontonka waddan ee African Unionka qudbad ka dhex jeediya), kana hadlay qadiyadeenii iyo adaxbanaanideeniiba. Arrinkanu wuxu Somaliland siiyay sharaf badan iyo caalamkii oo madaxweynihii Somaliland afkiisa ugu sheegay qadiyadeenii. Halkaas oo uu madaxweynaheenu ugu sheegay in Somaliland lagu yaqaano wada tashi oo uu ku yimi shirkan wada tashi uu la sameeyay shacabkiisa, qaybaha kale ee dawlada, mucaaradka, sultaanada, iyo ururada bulshada. Iyo in Somaliland ku taagan tahay waxa shacabkeedu rabo, shicibkuna ku tashaday in ay la soo noqdaan qaranimadoodii, taasoo aan gorgortan iyo ka noqosho dambe aan lahayn. Caalamkii waxay arkeen madaxweynaheenii oo u hadlaya wixii shicibkiisu rabay iyo wixii shicibkiisu go’aansaday. Madaxweynayaasha shirka fadhiyay intooda badan waa markii ugu horaysay ee ay arkaan ama ay maqlaan Madaxweynaha Somaliland hadalkiisa. Tanu waxay ka mid tahay waxyaabaha caalamka ku dhiiriyay inay yidhaahdaan waxa aanu gogol idiin dhigaynaa idinka iyo Somalia, gogoshaasuna waa tii aynu ku kala baxaynay iyada oo calamku Ina dhex fadhiyo. Guushaasuna waxay Ku timi ka qayb galka aynu shirka ka qayb galnay iyo go’aankii madaxweynaha. Kontonkan dawladood waxay indhahooda ku arkeen sida maamuus ka Iyo sharafta lahayd ee gaadhsiisnayd heer madaxweynayaasha caalamka ee la siiyay Madaxweynaha Somaliland, taasoo iyagana Ku dhiiri gelinaysa in ay sidaa iyo si la mida u qaabilaan iyaguna madaxwaynaheena marka ay kulmaan, arrinkan tusaalaha u noqonaya caalamka waxa faa’iidadiisa iska leh shicibka Iyo qarsanka Somaliland.

 

5- Somaliland oo caalamka tustay waxtarkeeda:

 

Somaliland waxay caalamka tustay waxtarkeeda marka laga eego dhinaca nabadgelyada iyo marka laga eego dhinaca budhcad badeeda labadaba. Somaliland waxay samaysatay sharcigii lagu xukumi lahaa marka budhcad badeeda laga soo qabqabto badda Somaliland, iyo marka budhcad badeeda laga soo qabto meelo kale taasu waa haddii ay Somaliland ogolaato oo keliya; Somaliland budhcad badeed kasta oo la soo qabto waxay u eegaysaa goonidiisa, oo qaarkoodna inagu ogolaan mayno sida kuwa u dhashay Puntland, qaarnoodka waynu ogolaanaynaa haddii aynu u aragno inaan Somaliland hayntooda dhibaato ugu jirin. Arrintan waxaynu u samaynay inaynu caalamka ka caawino dhibaatada budhcad badeeda ka haysata oo ku muujino sida ay Somaliland jiritaankeedu uu waxtar ugu leeyahay mandaqada iyo caalamka guud labadaba, si inagana danaha Somaliland la inooga caawiyo. Raysal Wasaaraha dawlada Ingiriisku wuxu sheegay in saddex waddan ay budhcad badeeda kala shaqaynayaan; kuwaas oo kala ah Somaliland, Tanzania, iyo Seychelles. Taasoo muujinaysa baahida Caalamku arrinkan u qabo, maamuuska gaarka ah ee Somaliland arrinkan ku helayso, iyo fursaddaha cusub ee Somaliland arrinkanu u furfursayo imika wixii laga bilaabo. Iyada oo waliba Somaliland ay mar walba go’aanka iska leedahay ay maxaabiista ama ku ogolaanayso ama ku diidayso.

 

6 – Shicibkii Somaliland ee UK iyo Yurub oo Banaanbax ku muujiyay taageeradooda

 

Maalintii Arbacada waxa dad kumanaan qof oo ka kala socda jaaliyadaha UK iyo wadamada kale ee Yurub ay isugu yimaadeen dariiqa Downing Street ee uu degan yahay Raysal Wasaaraha Dalka UK Mudane David Camaron. Dadkaasu waxay halkaas isugu yimaadeen tobankii subaxnimo oo ay ka bilaabeen inay ku heesaan heeso waddaniya, erayo taageeraya Somaliland, iyo waraaqo ay u qaybinayeen dadkii dariiqa marayay. Dadkaasu waxay dariiqaa joogeen illaa shantii galabnimo, intii ay halkaa joogeen waxa ku da’ay roob xoog wayn, oo dhamaantood wada qooyay, waxa kale oo goobtaa ka dhacayay dhaxan aad iyo aad u qabaw oo lafaha kaa gelaysa, laakiin dadkaasu waxay muujiyeen wadaniyad iyo taageero ay u hayaan shicibkooda iyo waddankooda. Saacadu markii ay ahayd kowdii duhurnimo ayaa dadkii mudaharaadayay waxa halkaa ku soo booqday Madaxwaynaha Somaliland iyo weftigii uu hogaaminayay. Qayladii iyo heesihii dadkaasu qaadayeen ayaa cirkaa isku shareeray, qof waliba waxa uu lulayay calanka Somaliland. Qofkii halkaa joogay ayuun baa garan karaya wixii meeshaa ka dhacay, laakiin intii joogtay xaada jidhka ayaa istaagtay qiiro wadaniyadeed awgeed. Madaxwayne Axmed Silanyo wuxu halkaa ka raacay gudi ka kooban jaaliyada UK oo ay ku jiraan dhowr nin oo barlamaanka UK ka ah xubno; waxaana ay waraaqo (petition) u geeyeen xafiiska Raysal Wasaaraha UK Mudane David Camaron, waraaqahaas oo codsanaya in taageero iyo ictiraaf ay dawlada UK siiso Somaliland. Anigu shaqsiyan maalintanu waxay ka mid tahay maalmihii noloshayda ugu qiirada iyo qushuuca badnaa. Waxan ogahay inaanan marnaba illaawaynin taageerada shicibkaa reer Somaliland ee dhaxanta iyo roobka taagnaa u muujiyeen waddankoodii iyo shicibkoodii Somaliland. Marka la eego xaaladaha Somaliland maanta ku jirto midnimo iyo wadinayad ayuu baa laga bixi karayaa qaarkood. Shicibka reer UK waxay meeshaa ka gaadheen oo ay ka muujiyeen guul buuxda, guushana waxa leh Somaliland iyo shicibkeeda. Fursadna waxa inoo abuuray imaatinka shirka iyo talada Madaxwayne Axmed Silanyo.

 

Gebo Gebo

 

Madaxwaynaha Somaliland wuxu muujiyay xilkasnimo markii uu la tashaday dhamaan shicibkiisii iyo qaybihii kale ee dawlada, mucaaridka, salaadiinta, iyo ururada bulshada ee ay ku taageereen go’aankiisii ahaa in Somaliland Shirka ka qayb gasho. Wuxu kaloo muujiyay geesinimo inuu ku dhiirado arrin uu ogaa inay shicibkiisu shaki ka muujiyeen. Laakiin isagu wuxu ku qanacsanaa faaiidada ugu soo baxaysa waddankiisa iyo shicibkiisa, tii ayaanu u bandhigay shicibkiisa oo uu ku mutaystay taageeradooda. Sida aan kor ku soo sheegay waxa marag ma doonta ah in waxyaabaha kor ku xusani ay yihiin waxtar balaadhan iyo guul buuxda oo u soo hoyatay Somaliland taas oo uu keenay Madaxwayna Ahmed Mohamed Silanyo iyo waftigiisii tegay London. Waa guul ay iska leeyihiin Somaliland iyo shicibkeeda. Waa guul caddawga Somaliland ka naxayo, been ka sheegayo, ama oo aanay u ogolayn inay u qiraan. Taasuna waa mid qofkasta oo reer Somaliland ahi ka dheregsan yahay. Illaahay baa mahad leh, guushana Somaliland baa leh, maantana shicibka Somaliland meel kasta oo ay joogaan way midaysan yihiin, oo way ogyihiin xaalada ay ku jiraan iyo masuuliyada saran. Taasuna waa sababta iyada oo roobku da’ayo, oo dhaxanka lafuhu ku gariirayaan ay haweenka, caruurta, raga, odayaasha, iyo dhalinyarada Jaaliyahada UK iyo EU ay ugu banaanbaxayeen London, waa sababta keentay in Madaxwayne Ahmed Silanyo ugu tago halkay ku banaanbaxayeen si uu ugu muujiyo taageeradiisa iyo ta waftigiisaba. Cadawga Somaliland-na waxan leeyahay: Somaliland dadkeeda iyo dawladeeda ayaa illaashanaaya adigana cidina wax kaa waydiin mayso.

 

Maqaalka kowaad wuu dheeraaday ee akhristow iga raali ahaw.  Illaahay baa mahad leh. Illaahayna waxan ka baryayaa inuu Guusha Somaliland siiyo mar walba, shibicka Somaliland-na waxan leeyahay; guulaysate ee halkaa ka wada.

 

Rashid Garuf

Wakiilka Somaliland ee USA

rashidnur@somaliland.us

www.somaliland.us

www.somalilandconference.com