M/weynaha Oo Ka Hadlay waxa Uu Noqon Doono Wada Hadalka Dhex Mari Doona Somaliland Iyo Somalia

Hargeeysa (Somaliland.Org) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa sheegay in wada hadal dhex mari doona Somaliland iyo Somalia aanay noqon doonin qaar la xidhiidha sidii loo midayn lahaa Dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Somalia ee burburtay 1991-kii, isla markaana ay Somaliland kala soo noqotay madax banaanideeda.

Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) waxa uu hoosta ka xariiqay in ajandaha Shirka London lagaga hadlay uu noqnon doono sidii Somaliland iyo Somalia ay u noqon lahaayeen Laba Waddan oo leh xidhiidh jaarnimo iyo mid walaaltinimo, isla markaana ay iska kaashan lahaayeen dhinaca nabad gelyada iyo xaalada manqada ka taagan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo) oo shalay u waramayey Laanta Afka somaliga ee Idaacadda VOA-da, ayaa waxa kale oo ka hadlay sababta ay Xukuumadda Somaliland u ogolaatay in Budhcad badeeda laga soo qabto meelaha ka baxsan Biyaha Somaliland in lagu soo xidho xabsiyada Somaliland.
Madaxweyne Siillaanyo oo ka hadlay Shirkii London natiijadii ka soo baxday waxa uu yidhi “Shirkaasi waxa uu ahaa Shir aad iyo aad u wanaagsan oo ay dunidu isugu timid oo arrimaha Somaliland iyo Somalia Caalamku daneynayo maslaxadna loo arko in meesha wanaageeda iyo Nabadgelyo ka dhacaan. Kulamaddii aanu yeelaney intii aanu halkan joognay waxa ka mid ahaa Kulankii aanu la yeelanay Wasiirka Mucaawimooyinka Ingiriiska waxaanan ka wada hadlanay sida ay u sii kordhiyeen Mucaawimooyinka ay siin jireen Somaliland, kulankan aanu la yeelanay Wasiirka waxa uu qiray Horumarka ay Somaliland gaadhay dawladda Ingiriiskuna ay dardargelinayso Horumarkaa, Shirkii Somalia ee 23-kii ka dhacay London wuxu ahaa mid lagaga wada hadlayey sidii Nabadgelyo loogu celin lahaa Somalia, waxana ka soo qeyb galey in ka badan koton dawladdood oo caalamiya aniga iyo Weftiga ila socday waxa aanu ka qeyb galney Shirkan oo aanu ku mataleynay Somaliland, waxana uu Shirkani kor u qaaday Somaliland Meegaamkeeda, waxaanan nala fadhiisiyey kuraasi gaara iyo fursad aanu hadal kaga soo jeedino shirkaas aad iyo aad ayey arrinta Qaddiyadda Somaliland Hore ugu martay baan odhan karaa.”

Madaxweynaha Somaliland oo la weydiiyey madaama Beesha Caalamku ku baaqday, isla markaana war-murtiyeedkii laga soo saaray Shirka London uu ka mid ahaa qodob sheegaya in ay wada hadlaan Somaliland iyo Somalia qaab ay u doonayaan in way wada hadlaan waxa uu ku jawaabay “Annagu qaabka aanu u wada hadlayno dee laba Dawladood oo jaar ah oo wax iskaga xidhan yihiin oo mandaqad ku wada nool sidoodii baanu u wada hadlaynaa sidaa ay Dunidu u tidhi ha la wada hadlo dano iyo mashaakil badan baa iskaga kaaya xidhan, markaa wada hadal laysku yimaado iyo danaha oo si uun looga xaajoodo inay wax ku jiraan uma aragno.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray oo uu yidhi “Wakhti maanaan qabsan aanu wada hadalno, Annagana qorshaha noogu ma jirto sidii Midnimadii Somaliyeed loo soo celin lahaa, laakiin sidii loo wada noolaan lahaa wax loo wada qabsan lahaa Xad iyo Nabadgelyo looga sameyn lahaa ayaa ajandaha noogu jira,”
Madaxweyne Siillaanyo waxa uu ka dhawaajiyey in Somaliland Shirkii London ku tagay wada tashi, waxaanu yidhi “Waxa aanu Shirka kaga soo qeyb galney si buuxda oo ay Goleyaashu u dhan yihiin oo asxaabtu u dhan yihiin oo ay Ururadu u dhan yihiin ayaanu kaga soo qeybgalney marki aanu halkaa joognayna dawlada ingiriisku way noo timid wufuud bay noo soo dirtay waxay noo ballan qaaden inaanau weftiga Somalida ka mid aheyn oo aanu meel gooniya fadhiisanayno markaa shirkana mid aanu tallo iyo wada jir aanu ku nimid buu ahaa.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo oo la weydiiyey sababta ay Xukuumaddiisu u ogolaatay in Budhcad badeed laga soo qabto meelaha ka baxsan Biyaha Somaliland in lagu soo xidho xabsiyada ku yaala guddaha Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Annagu Somaliland Budhcad badeeda meel baanu ka taaganahay, Budhcad badeedana aad baanu ula dagaalanaa dad badan baa noo xidh xidhan Heshiis baanu ka galney Caalamka, laakiin sharci baanu ka gudbinay in dhulkayaga lagu soo xidhi karo wixii Budhcad badeeda ee mandaqadeena saameyn ku leh, markaas Budhcad badeeda mawqif aad u adag oo ay dunidu nagu amaanto ayaanu ka taaganahay, markaa Budhcad badeeda dadka dagaalka cad kula jira ayaanu ka mid nahay.”

“Waxa weeye waanu aqbalnay in wixii Budhcad badeeda ee Mandaqadda ka dhaca dhulkayaga lagu xidhi karo, dunida markii aanu la hadalnay ee aanu wax la qabsanay ee dunidu talooyin badan noo soo jeedisay hawshaasina ay tahay mid la wada galo Waddamo badan baanu isaga nimid Baarlamaankayaguna wuxu ogolaaday in Mandaqada Budhcad badeeda lagu soo xidhi karo dhulkayaga,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com