Siyaasadda caalamku ka leeyahay dhulka Somaliland iyo Somalidda.

Waxaa aad u xumaaday dhaqaalahii aduunka oo gaadhey heer la midda ama ka sii hooseeya taariikho hore oo loogu yeedho wakhtigii wareerka ama is madax marka ee dhinaca dhaqaalaha. Hadaba dunidda caalamku maanta waxay si wadara iyo keli ahaaneedba ugu suxula duubanyahiin siddii ay u heli lahaayeen dhaqaale iyo dhul xaafimaad qaba oo lagu noolaan karo, badiba qolyahan reer yurub waxay horeba u degeen dhulyow aad mahiim u ah oo ay ka mid yahiin qaaradaha Afrika, ustareeliya iyo nayuusiilaan, dhulkaasi oo ula muuqday dadka jeebkoodu ku filanyahay inay nolosha inta ka hadhay ku qaataan.

Dhinaca dhaqaalaha waxaa tartan weyn iyo hayaan loogu jiraa Qaaradan Afrika oo dadka ku nooli u yaqaanaan Qaaradda Madow, laakiin caalamka intiisa kale ay qabaan fikir kaasi ka gedisan oo tilmaamaaya inay Afrika tahay Qaaradda Caafimaadka iyo qaninimadda, marka la yara qooraansado macdanaha kala duwan ee ku duugan Qaaradda iyo weliba shiidaalka noocyadda kala gedisan ee badda iyo berigaba hoos jiifa.
Waxaad u jeedeen dhowaan shirar loogu yeedhay dadka afka Somaliga ku hadla ee ka soo kala jeedda labaddii maamul ama dowladood ee maxmiyadahii Talyaaniga iyo Ingiriiska Somaliland British iyo Somali Italian oo muddo 22 sanadoodda aan duco iyo habaar lagu mideysanyahay oo foolka foolii aanu maranaba dhexmarin, ama aanay miiska wadda xaajoodka isku wajahin, si laysaga qanciyo ama looga wadda hadlo waxii dana ee cid weliba dhinaceedda u aaminsantahay inay mahiim u tahay.

Walaalaha Somaliyeed ugu horayn waa inay qiraan oo garowshiiyo iyo ogolaansho ku ansixiyaan habdhaqankii iyo jiritaankii labaddii Jamhuuriyadood ee aan ahayn iyo doorkii ay ku timid waxii Somaliya laysku odhan jirey ee maanta ah Somaliland iyo Somaliya, markaa labadaasi indhood ayeynu lahayn, il sadexaad oo jirtey maysan jirin, ciddii hawlahaasi wadana waxay caynka iyo baydda u sii giijinayaan xaaladda Somaliya ka jirta ee dhaca, boobka, kufsiga iyo shisheeyaha ku sugan dalka gudahiisa magacay doonaan iyo siday doonaan ha ku yimaadeene, waxay hantaaqo iyo dabar dhaba ku tahay siddii looga guuri lahaa ee shacabka Somaliyeed nabad iyo caano u gaadhi lahaa dadnimo buuxda, nabad, cisi, sharaf iyo dowladnimana ay ugu laaban lahaayeen.

Somaliland waxaa muuqanaysa in dadaal iyo horumar weyni ka jiro dhinaca arimaha bulshadda, isla markaasina ay jiraan Xukumaddo kala denbeeyey oo midiba mid bedeshay oo ah sunaha iyo saliga dowladnimo. Somaliland waxaa maanta u suuragashay weedhii in badan ay ka dhowraysey afka caalamka iyo ummadda Somaliyeedba oo ah maqaamka iyo doorka dhabtaa ee Somaliland iyo jiritaankeedda iyo weliba sooyaalka taariikheed ee Somaliland leedahay, tan iyo markii ay madax-banaanidda ka qaadatay maxmiyaddii Ingiriiska 1960 iyo walaal jacaylkii Somaliland qaaday ee calankooddii ay Muqadisho iyo Somali u geeyeen, iyagoo Somaliland raadinaaya walaaltinimo, jacayl laysugu keeno ummadda isku diirka iyo diintaa ee NFD, Somali galbeed, Jabuuti iyo labadan Jamhuuriyadood ee Koonfurta iyo waqooyiga oo loogu yeedhi jirey shanta Somaliyeed iyo raadcaddii beenowdey.

Markale ayey taariikhu dib isu qoraysaa oo Bulshadda caalamku Somaliland iyo Somaliya mid walba sooyaalkii taariikheed iyo ahmiyadoodda gaarkaa hoosta ka xariiqeen. Waxay bulshadda caalamku dhex-dhexaadin iyo wadda hadal u fureen Jamhuuriyadda Somaliland iyo wadanka Somaliya, iyadoo cidna aan hogaan lagu wadin, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland oo iyadu ah cid kaliya ee qarnaqsiga iyo waxay doonayso uga baahan walaalaheedda Somaliyeed, layskana ilaawo dirirtii iyo dagaalkii Siyaasiga ahaa ee waxuu xumeeyo mooyaane aan waxba soo kordhinayn.

Caalamku maanta dan mahiima ayuu ka leeyahay Somaliya iyo Somaliland, waayo dhaqaalaha aduunka, caafimaadka iyo nabadgelyadda wax weyn iyo kaalin weyn ayey ku kordhinaysaa nabadda laga sameeyo Somaliya oo laba qarni la daalaa dhacaysey darxumo, dagaal iyo dowlad la,aan ay aabe u yahiin niman shaadhadh kala duwan oo diin, qabiil iyo dagaal ooge laga toshay. Maanta ummadda Somaliyeed waxaa la doonayaa in loo taliyo, mar haddii ay tashan kariwaayeen oo Ururadda shaadhk diinta xidhan meesha laga saaro iyo weliba budhcad badeedda oo dhaqaalaha aduunka nabar halisa u geystey, isla markaasi hantaaqo iyo xayiraad ku soo rogey maraakiibta u kala gooshata caalamka ee biyo marinka Somaliyeed wadada u tahay.
Dhinaca kale waxaa u soo beretamaaya Somaliya iyo Somaliland shirkadaha waaweyn ee shaqadoodu tahay qodidda shidaalka iyo macdanaha kala duwan, si shirikaadkaasi shaqo loogu abuuro, isla markaasina dhaqaalaha aduunka iyo kuwa wadamadda ay ka soo jeedaanba wax weyn ka tara dhibaatadda dhaqaale ee faraha baas maanta ku haya. Inkasta oo aanay cidna siyaasiyan caalamku waxba u yeedhin, hadana waxay doonayaan in wadda hadal weyn iyo aayo ka tashi inuu dhex maro walaalaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Somaliyeed waxtar weyn oo ruuxi iyo jismiba ah u baahan, marka laga eegayo dhinaca dagaaladda iyo dowlad la,aantan xididadda u saartay noloshii shacabka Somaliyeed guud ahaan.

Halka Jamhuuriyadda Somaliland caalamku aad ugu amaanay horumarka iyo nidaamka dowladnimo ee ka jira dhulkaasi, isla markaasina looga baahanyahay in Jamhuuriyadda Somaliyeed soo gaa
dho bisaylka iyo doorka Somaliland si looga wadda hadlo arinta Somaliland uga baahantahay walaalahoodda Somaliyeed oo ah Citiraaf iyo aqoonsi.

Cabdilaahi Cali Xassan John
Liverpool
UK