M/weyne Ku xigeenka oo sheegay inay ka digtoon yihiin in Al-shabaab u soo gudubto xuduudaha dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxwene ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka sheegay inay xukuumadda Somaliland ka digtoon tahay in kooxda argagixisadda ah ee Al-shabaab ee lagu jabiyay dagaaladda ka socda Somalia ay soo galaan xaduuda Somaliland.

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay furitaankii tartan maharajaan ah oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa oo uu soo qaban- qaabisay Shirkadda KMC (Kow Media Co-operation.
“Waxaan maanta ummada reer Somaliland u sheegayaa in nadbadii aynu ku soo naaloonayey mudada 21-ka sanadood ah cadow faro-badan ayey leedahay hadana duulimaad fara badan ayaa ku socda, sidaad la socotaan nimankii argigixasada ahaa ee Al-shabaab culays badan baa koonfur kaga yimid firxad badan baana jira.Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland,”ayuu yidhi Md. C/Raxmaan Saylici.

Madaxweyne Ku xigeenka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaanan xasuusinayaa in cid kasta oo reer Somaliland ahi ay arrintaasi ka feejignaato, markii horeba nabada Somaliland marka laga yimaado ILAHAY iyo xukuumadaba waxa amaanka hayey shacabka oo feerjignaa.”

Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ugu baaqay xaafadaha iyo ardaydu inay feejignaan dheeraad muujiyaan waxaanu yidhi “Waxaan ku baaqayaa in xaafaduhu ay la socdaan cidii ku soo koradha, gaar ahaan Iskuulada iyo dhalinyarta dugsiyadda dhexe illaa jaamacadaha waxaan leehay feerjinaada oo indhaha u furada sidii aynu u ilaashan lahayn amaankeena.”

Madaxweyne ku xigeenku waxuu sheegay inay farxad u tahay inuu ka soo qayb galo maharajaankii ugu horeeyey ee Somalilamd lagu qabto.

Maamulaha guud ee Shirkadda KMC Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi ayaa kulankaasi ka sheegay in Bandhigan oo socon doona ilaa bilowga bisha march uu ka koobnaan doono tartamo kala duwan oo dhinacyada sawir gacmeedyada, sawirada camera-ada, Video-ga, filimada iyo Decomuntery-ga, waxaana ka qayb qaatay dad faro badan oo daafaha caalamka ku kala nool sida UK, USA, UAE, Malaysia iyo meelo kale oo Somaliland ka mid tahay.
inta uu maharajaanku socdo waxaa socon doona waxyaabaha kale ee lagu lagu tartamayo sida gabayada, ciyaaraha Hidaha iyo dhaqanka, halka sidoo kalena sawir gacmeedyada lagu celin doono mar labaad.

Maamulaha guud ee Shirkadda KMC Cabdilaahi Axmed Cabdilaahi ayaa kulankaasi ka sheegay in Bandhigan oo socon doona ilaa bilowga bisha march uu ka koobnaan doono tartamo kala duwan oo dhinacyada sawir gacmeedyada, sawirada camera-ada, Video-ga, filimada & Decomuntery-ga, waxaana ka qayb qaatay dad faro badan oo daafaha caalamka ku kala nool sida UK, USA, UAE, Malaysia & meelo kale oo Somaliland ka mid tahay.
inta uu maharajaanku socdo waxaa socon doona waxyaabaha kale ee lagu lagu tartamayo sida gabayada, ciyaaraha Hidaha & dhaqanka, halka sidoo kalena sawir gacmeedyada lagu celin doono mar labaad.

kulankaasi waxa kale ay ka soo qayb galeen Wasiirka kaluumaysiga & kheyraadka badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire, Wasiir ku xigeenka hawlaha guud iyo guryaynta Cali Cabdi Saa’iq, Agaasimaha guud ee warfaafinta faysal Cali Sheekh iyo maareeyaha hay’adda waddooyinka Cabdiwaaxid Cabdiqaadir.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.co