Maamulka Addis Ababa Medical University College ka hadlay xaalada waxbarasho ee jaamacadaas

Hargeysa (Somaliland.Org)-Maamulka Jaamacadda Addis Ababa Medical University College Mr Mengisite Mekonen ayaa ka waramay xaaladda waxbarasho ee jaamacadaasi.

Waxaanu sidaasi ku sheegay waraysi kooban oo uu siiyay saxaafadda. Maamulaha Jaamacadda Addis Ababa Medical University Collge Mr. Mingiste Makenoon, waxaa
uu ugu horayn sheegay in Jaamacaddan la aasaasay 2009 bishii koowaad oo ay
waxbaerashada furantay ilaa haatana ay si wanaagsan ugu socoto.

Waxaanu sheegay in ay haatan ardayda wax ka barata Jaamacadu ay gaadhayso 400 (afar
boqol oo arday) waxaana ka hawlgala shaqaale gaadhaya 21 iyo (11) part time Job.

Maamuluhu isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Mudadaasi waxa arday ahaan
waxbarashadii dhamaystay (15) arday oo ka qalan jabiyey guud culuunta caafimaadka.
Waxaanu ku rajo weynahay in sanadkan cusub bisha shanaad ay soo baxaan dhakhaatiir
fresh ahi oo dalka iyo dadkaba wax u qabta oo tiradoodu gaasdhayso 140 arday oo isugu
jira toban nursing ah iyo soddon ah caafimaadka guud oo qaadan doona shahaadada
digriiga koowaad ee loo yaqaan (Bachelor degree in Science) “BSC”

Mr. Minkiste oo aanu wax ka waydiinay inta xarumood ee ay caasimada Hargeysa ku leeyihiin
ee Jaamacadooda ah waxaa uu sheegay in ay tahay laba xarumood oo waaweyn oo ku kala
yaalla xarunta guud ee jaamacada oo ah fooqa Sagal Jet iyo xarunta labaad oo ku taal
agagaarka xafiiska Telesom ee Jigjiga yare e waaxda Koodbuur, dhinaca kale waxa Mr.
Mingiste shaaca ka qaaday inay mustaqbalka dhaw xooga saari doonaan cudufrada
khuseeya dumarka io dhalmadooda iyo xarumo u gaar ah, bilaabi doonaana diiwaangelinta
bisha Abril.

Guntii iyo gabagabadii Mr. Minkiste waxaa uu carabka ku dhuftay in ay leeyihiin (10) toban
xarumood oo sideed ay ku yaalaan Itoobiya (2) labana ay Somaliland yihiin, mustqablka dhowna
ay uga sii gudbi doonaan dalka Suudaan, waxaanay guud ay ardayda Jaamacada Addis Ababa
Medical College ay guud ahaan gaadhayaan 9,780, (Sagaal kun toddoba boqol iyo sideetan
marka laysku wada daro tobanka xarumood eek u kala yaalla Somaliland iyo Itoobiya.

Xuseen Xarbi
Hargeysa