Ku simha Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Sh. Shariif Makididi

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland ahna Ku simaha Madaxweynaha Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayay Sheekha caanka ka ah dunida islaamka ee dhalinyarada ah ee Shariif Makididi oo socdaal ku yimid magaaladda Hargeysa.

Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland Sh. Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in Sheekh Shariif Makididi mutunga uu yahay caalim weyn oo faafinta dacwadda islaamka isku xil saaray oo waddamo badan oo adduunka ahna muxaadirooyin ka jeediyay.

Wasiirku wuxuu sheegay in muxaadirooyinka sheekhan dhalinyarada ah ay ku islaameen dad lagu qadaray sideetan kun iyo lix boqol oo qof oo ku dhaqan wadamo kala duwan oo adduunka ah.

Sheekh Khaliil waxa uu intaasi ku daray in sheikh Shariif Makididi uu hadlay isagoo sagaal bilood oo qudha jiray, taasina ay noqotay mucjiso aad u weyn oo uu ILAAHAY ku galaday.

Sheekh Shariif Makididi oo kulankaasi ka hadlay ayaa culimada, wasiirka diinta iyo awqaafta iyo madaxweyne Ku xigeenka Somaliland uga mahad celiyay sida diiran ee ay u qaabileen, waxaanu tilmaamay in Somaliland tahay dalkii 11-aad ee uu muxaadirooyin iyo dacwada faafinta islaamka uu ku tago.
Waxa uu sheegay inuu muxaadirooyin u jeedin doono dadweynaha ku dhaqan magaaladda Hargeysa maalinta khamiista ee fooda inagu soo haysa.

Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland ahna Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa u mahad celiyay Sh. Shariif Makididi, waxaanu tilmaamay inuu shacbiga iyo xukuumadda ka heli doono soo dhawayn wanaagsan.
“Waxaan u rajaynayaa mudada aad joogtid Somaliland inaad khayr ku dhamaysatid socdaalkaaga shacbiga Somaliland-na diyaar ayay idiin yihiin inay muxaadirooyinkiina. Dawladduna waxay diyaar u tahay inay ilaaliso amnigiina,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland.

Ugu dambayntii waxa uu sheekhu halkaasi ka soo jeediyay duco aad u dheer oo uu Somaliland iyo bulshada ku dhaqan ugu duceeyay khayr isla markaana uu ILAAHAY uga baryay inuu sii adkeeyo nabad-gelyadooda.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com