Ha’yada Ilaalinta Tayada oo ku dhawaaqday go’aamo Qorshe lagu xakamaynayo dawooyinka iyo shiidaalka

Hargeysa (Somaliland)- Ha’yada ilaalinta tayadda agabka Somaliland ayaa soo saartay qorshe iyo ammarro ay ku xakamaynayso tayada shiidaalka iyo dawooyinka dalka la keeno.

Sidaasi waxa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Ha’yadaasi Siciid Saleebaan Mirre oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa waxaanu halkaasi ka akhriyay war-saxaafadeed dheer oo u dhignaa sidan:-
Xakamaynta Daawooyika Been-abuurka

“Mudanayaal, inaga oo ka duulayna Ilaalinta caafimaadka bulshadda, ilaalinta degaanka, duunyada, ka hortaga iyo xakamaynta daawooyinka been-abuurka ah waxaan si rasmiya u fulinaynaa shuruucda ilaalinta tayada ee ay dejisay hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland, shuruucdaas oo ah shuruuc caalami ah oo lagu ilaalinaayo daawooyinka foojariga amma been-abuurka.

Sidaa awgeed, lama ogola mana soo gelin karaan ganacsatada dalka daawo aan wadan shahaadooyinkii lagu aqoonsaday tayadooda shahaadooyinkaas oo leh tixraac, isla markaana waa inay daawo kasta wadato macluumaadka ku lifaaqan wareegtadan. Daawadii aan wadan macluumaadkan hoos ku qoran lama cashuuri karo dalkana lama soo gelin karo.

?Complete and detailed list of all drugs, medicines and pharmaceutical products that are imported, distributed or supplied.
•?Certificate of analysis for each drug and medicine.
•?Certificate of chamber of commerce for the country of origin.
•?Manufacturer company’s or importer invoice certified by health regulatory authorities from the country of origin.
NB. Wargelintan waxa la siiyey dhammaan ganacsatada daawada dadka iyo tan xoolaha. Waxa kale oo la siiyey ururrada soo dejiya daawooyinka ee aan dawliga ahayn.
Haddaba, waxaannu ka codsanaynaa dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha aannu wada shaqaynta leenahay inay naga caawiyaan fulinta shuruudahan.
Siyaasadda shidaalka io saliidaha gaadiidka
1. Kadib markii la ogaaday dhibaatooyinka, waxyeelada shidaalka iyo saliidaha aan tayadoodu fiicnayn;
2. Kadib markii ay qaylo dhaan aan kala go’ lahayn ka timi macaamiisha iyo bulshada Somaliland;
3. Kadib markii la xaqiijiyey waxyeelada dhabta ah iyo dhaqaale burburkay dalka ku hayaan badeecadahaasi;
4. Kadib markii aannu qiimayn iyo daraasad kku samaynay ee aannu ku qanacnay jiritaanka dhibaatadaa;
5. Kadib markii aannu tashi kala samaynay Wasaaradda Ganacsiga iyo Wasaaradda Maaliyadda;
Waxay soo saartay hay’adda SQCC wareegtadan;
•?Laga bilaabo April 15 waxay hay’addu faraysaa cid kasta oo soo dejisa amma soo gelisa dalka Somaliland shidaal iyo saliidaha makiinadaha, in aanu dalka soo geli karin shidaal iyo saliid aan wadan shahaadada tayada (Certificate of Quality) oo uu soo xaqiijiyey lab muctarif ka ah Rugta Ganacsiga waddanka laga keenay badeecadaas.
•?Sidaa darteed, waxa la ogaysiinayaa dhammaan dekedaha iyo kastamada dalka inaanay soo dayn karin haba yaraatee shidaal iyo saliida makiinadaha oo aan waafaqsanayn lifaaqa wareegtada ee shidaalka oo caddaynaya shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan dhammaan soo dejiyayaasha shidaalka, sidoo kale saliidaha waxa looga baahan yahay Certificate of Quality.
NB: Waxa la farayaa dhammaan kastamada dalka inay ku dhaqmaan wareegtadan oo aanay dalka ku soo dayn shidaalada iyo saliidaha aan wadan shahaadooyinka tayada.”
Dhanka kale, Guddoomiyaha Hay’adda Tayada Somaliland Mr. Siciid Saleebaan Mirre, ayaa weririyayaashu su’aalahay shirkooda jaraa’id ku waydiiyeen waxa ka mid ahaa;
Su’aal: Hore waxa u jirtay in Wasaaradda Caafimaadku ay sheegtay inay ururay ku bahoobeen ganacsatada soo dejisa daawooyinku uu ilaalin doono tayada daawooyinka, isla markaana uu baadhitaan ku samayn doono, markaa sideed u wada shaqayn doontaa Wasaaradda Caafimaadka oo ururkaas u xilsaartay baadhitaanka tayada daawooyinka?
Jawaab:Wasiirku waxa uu ka mid yahay masuuliyiintaannu wada shaqayno, mana jiro kii la baadhaayey oo isagu is baadhaya, markaa ma jirto Wasaaradda Caafimaadku ciday u xil saartay oo tidhi is baadha, laakiin ganacsatada sida tooska ah u shaqeeyaa way nala shaqeeyaan, wasaaradana way la shaqaynayaan si ay ganacsigooda u ilaashadaan.Hay’adda qaranka u xilsaaran ilaalinta tayada qaranka waa hay’adayada.
Su’aal: Way badan yihiin shidaalada sifooyinka khaldan ku soo gala Somaliland ee kootarabaanka, dhaawacyada xuna u gaysta gaadiidka, haddii go’aannadiinan loo hoggaansami waayo, maxaa idiinka meel yaala?
Jawaab:Ganacsatada keenta waxyaabaha aan wadan shuruudahan, haddii gudaha waddanka lagu qabto.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com