“Waxaan ugu Baaqayaa xukuumadda inay Wax uga Qabtaan Colaada iyo Been-abuurka Shabakadda Harawo”

Khadra Ismaaciil Xasan (Qarni), Lawyacaddo

Anigoo ah muwaaddinad reer Somaliland ah oo deggan magaalo-xuduudeeedka Lawyacaddo waxa aniga iyo guud ahaan dadka degaankaas aad iyo aad uga yaabiyey maqaal lagu baahiyey shabkadda wararka Internet-ka ee Harawo.com taariikhdu markay ahayd 25 February 2012, kaas oo xambaarsanaa tirtirsi colaadeed iyo been-abuur iyo magac-dilis badheedh ah oo aan haba yaraatee waxba ka jIrin oo si qaawan loogu weeraray sumcadayda qofnimo iyo qoysnimo ee gaarka ah.

Maqaalkaas been-abuurka ah oo shabakaddu ku sheegtay inuu qoray nin la yidhaa Siciid Cabdi Faarax oo Lawyacaddo deggan, balse dadka degaanka oo dhan laga waayey cid muuqiisa daayo xataa magaciisa garata, waxa si diinta islaamka iyo dhaqanka bulshada Somaliland ka baxsan loogu aflagaadeeyey shaqsiyadayda hooyonimo iYo ta qoyskayga, iyadoo layga sheegay inaan ahay basaasad u shaqaysa xukuumadda Somaliland, gaar ahaan madaxweyne-ku-xigeenka oo aan walaalkii u dhaxay, isla markaana laf dhuun gashay ku noqday bulshada reer Lawyacaddo oon xabsiga u taxaabo cid kastoo wax ka sheegta xukuumadda iyo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Sidoo kale, waxa maqaalkaas lagu xardhay oo xataa cinwaanka lagu muujiyey magaca qabiilka aan ka dhashay, iyada oo shacabka gobollada Awdal iyo Salal ee aan u dhaxay lagu tirtirsiyayo inay ka dhidhiyaan oo ka dagaallamaan cadawga dhulkooda ugu hanjabaya, iyagoo cadawgaasna ka dhigaaya anigoo u dhashay Gabiley.

Haddaba, arrintan sharaf-dilka iyo cadaawadda aan jirin ee caddaanka ah la iigula badheedhay anigoo ah hooyo carruurteeda u xamaalata oon waligeed dawlad u shaqayn, cidna dembi ka gelin way ka xeel durugsan tahay ceebaynta been-abuurka ah ee la igula kacay anigoo dumara, waxaanay daarran tahay laba ujeedo oo cadowga Somaliland soo abaabulay, kuwaas oo kala ah; in colaad laga huriyo degaannada gobollada Awdal iyo Salal iyo kicin la isaga horkeenayo shacabka gobolladaas iyo dawladda Somaliland, siiba Madaxweyne-ku-xigeenka oo lagu sheegayo inuu yahay nin u adeegaya cadow shisheeye.

Sidaa awgeed, waxaan hay’adaha nabadgelyada iyo kuwa sharciga ugu baaqayaa inay tallaabo cad oo degdeg ah ka qaadaan cidda faafisay maqaalkaas durbaanka colaadeed, kicinta iyo been-abuurka xambaarsanaa ee ay faafisay shabakadda Harawo.com oo ka mid ah mareegaha ku suntan magaca Somaliland, laakiin beryahan dambe ku caan-baxday baahinta borobagaandhooyin liddi ku ah jiritaanka iyo midnimada qarannimada Somaliland, una adeegaya kooxaha hadh iyo habeen ku foogan burburinta nabadgelyada dalka iyo iska horkeenka ummadda reer Somaliland.

Ugu dambayn, maamulka shabakadda Harawo.com waxaan uga fadhiyaa caddaynta been-abuurka iyo sumcad-dilista aan geedna loogu soo gabban ee ay iila badheedheen, kamana hadhayo ceebayntaas qaawan ee la ii geystay, dacwad arrintaas la xidhiidhana waan u gudbiyey hay’adaha garsoorka iyo ciidammada ammaanka Somaliland, waxaanan idin leeyahay hadhow yaanay idinla qadhaadhaan gefka iyo meel-ka-dhaca aad iila qasdideen anigoo ah soddoh xishmo iyo xarumo dumarnimo idinka mudnayd.