Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland ka soo laabtay Socdaal ay ku tageen Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirradda wasaaradaha Madaxtooyadda iyo Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire, ayaa maanta ka soo degay madaarka Hargeysa ka dib markii ay soo dhamaysteen socdaal dhawr maalmood qaatay oo ay ku tageen dalka Jabuuti.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo qolka nasashada ee madaarka kula hadlay Saxaafadda ayaa sheegay in socdaalkoodu uu ku saabsanaa adkaynta wada shaqaynta iyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada qaran.

“Safarkayagani wuxuu ahaa safar shaqo oo dabcan dawladda Somaliland iyo dawladda Jabuuti waxa ka dhaxeeya xidhiidh wada shaqayneed iyo mid jaareed oo khuseeya wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dal, waxaanu safarkayagu noogu soo dhammaaday nabad-qab,guul iyo is faham,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Sidoo kale, Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa isna ku dooday inuu socdaalkaasi ugu soo dhamaaday si guula ah isla markaana waxyaabihii ay kala hadlayeen dalka Jabuuti ay ka gaadheen is faham.
Wasiirku waxase uu ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo socdaalkooda Jabuuti.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com