Wasiirka Qorsheynta Oo ka hadlay Kulamo Weftigii Madaxweynuhu La Yeeshay Ingiriiska

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Qorsheynta Qaranka ee Somaliland Mudane Sacad Cali Shire ayaa faah faahin ka bixiyey faa’iidooyinka Somaliland uga soo hoyday kulami xidhiidh ah oo Weftigii Madaxweynaha ee Ingiriiska ku sugan la yeesheen Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Ingiriiska iyo xubno kale oo ka mid ah madaxdii ka qayb galaysay Shirkii Arrimaha Somalia ee London lagu soo gab gabeeyey.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka oo habeen hore ka hadlayey Xaflad Jaaliyada reer Somaliland ee Ingiriisku u sameeyeen Weftigii Madaxweynaha, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay natiijada ka soo baxday Shirkii London.
Wasiirka oo ka hadlaya faa’iidayoonka Somaliland uga soo baxay kulamo ay la yeelatay Wasiiro ka tirsan Dawladda Ingiriiska waxa uu yidhi “Ujeeddada dhinaca dhaqaale waxa la xidhiidhay Saddex arrimood ta ugu horreysaa waxa ay aheyd Kulan aanu la kulanay Wasiirka Ingiriiska ee U qaabilsan Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Horumarka waxa aanu kala hadalnay dhawr qoddob, laba Qoddob oo ka mid ahi waxa ay ku saabsanaayeen Maxaabiista iyo Budhcad badeeda iyo Cadaalada. Qoddob kalena waxa uu ku saabsanaa abaaraha iyo aafooyinka sidii looga hor tagi lahaa ama waxa looga qaban lahaa, labadaba si wanagsan ayuu Wasiirku nooga aqbaley ballana noogu qaaday inuu nagu taageri doono.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Dhacdada labaad waxay aheyd mid ka dhacday Baarlamanka oo ay soo qabanqaabiyeen dad Muwaadiniina iyo Niman looyaro ingiirsa taas oo ku saabsaneyd daahfurka Hay’ad loogu tallo galey inay naga caawiso xagga Maal gelinta iyo sidii aanu u heli laheyn deeqda aanu wadddanka Horumarino ta saddexaadna waxa weeye qorshe aan dhicin oo soo socda oo aanu kaga hadli doono Qorshaha Qaran ee shanta sanno ee soo socota, kaas oo ka dhici doono Baarlamanka, qorshahaasina waxa uu ka kooban yahay saddex arrimood qeybi waxa weeye waa aragtida araajida guud ee aynu leenahay, qeybta labaadna waa araajida aynu doonayno inaynu hirgelino ee Himilada sidii aynu u gaadhi laheyn iyo sidii loo maalgelin lahaa mashaariicdaa aynu doonayno inaynu ku dhaqangelino Himiladeedana, idinku haddii aad qurba jooga tihiin Himiladaa aanu doonayno waxa aad ka soo geli kartaa dhawr meelood sida maalgelinta, imikaba waynu wada ognahay tiir dhexaadka dhaqaalihiinu ku taagan yahay oo waa wax aad soo dirtaan aad baad ugu mahadsan tihiin, maalgashiga inta badan Qurba joogtu ku sameyso dalkeeda hooyo waxay u badan yihiin Dhismayaal waxaana Waddankeena ka jira oo aan idiin sheegi lahaa Warshado badan oo maalgelineed oo aan aheyn dhismayaal.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire waxa uu qurba jooga reer Somaliland soo jeediyey in ay ka shaqeeyaan sidii Waddanka ay u maal gashan lahaayeen, waxaanu yidhi “Tobankii sanno ee u danbeeyay waddanka waxa ka abuurmay Jaamacado badan imika waxa aynu leenahay lix iyo toban Jaamacadood dhallinyar badana ka qalinjebisay, maanta Cusbitaalada dawlada Dhakhaatiirta dhallinyarrada ee ka shaqeysa waa in boqol ku dhaw waa dhallinyaro inoo soo baxday laakiin waddanka farsamo yaqaankiisa inta badani waa ay joogtaa Dibeda waxa loo baahan yahay aqoontiina iyo Farsamadiina inaad waddanka uga faa’idaysaan.

Waxa loo baahan yahay in midnimada la adkeeyo oo ay Somaliland noqoto mid is haysata, khaasatan imika xaaladan aynu ku jirno oo sidii Madaxweynaha loo qaabilye ee heerka sare may aheyn Madaxweyne Goboleed.”

“Waxaanay aheyd sidii Madaxweyne la ictiraafsan yahay oo ka socda dal la ictiraafay, runtiina inta geedis socodkeena inooga hadhay waxa loo baahan yahay Midnimo iyo inaynu Qaddiyadeena ku faro adeygno, Ictiraafkuna waxa loo baahan yahay in arrinkaa da’daal weyn laga galo Ictiraafkeenuna maaha mid inaga oo kaliya inoo dana ee waa mid Dunida kale u dana,”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.

Somaliland.Org/Hargeysa
sldotorg@gmail.com