Golaha Wasiirrada Somaliland Oo Ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2012

Hargeysa (Somaliland.Org)- Fadhigii Golaha Wasiirradda Somaliland, ayaa maanta ansixiyay miisaaniyadda xukuumadda dhexe ee sanadka 2012-ka, taasi oo odoraskeedu dhan yahay 639,369,240,470 taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed maanta ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland oo u dhignayd sidan:-

“Fadhigii maanta (27/02/2012) ee Golaha Wasiirada oo Ka Qabsoomay Qasriga Maxadtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu Gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna ku simaha Madaxweynaha, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) Waxa lagu Ansixiyey Miisaaniyad Sannadeedka 2012 oo Dhan 639,369,240,470 taas oo 23.19% ka badan tii sannadkii Hore ee 2011.”

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com