Shir lagaga hadlayay horumarinta Ganacsiga gaarka ah oo lagu qabtay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Shir balaadhan oo lagaga hadlayay horumarinta hantida iyo Ganacsiga gaarka ah ayaa lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Caasimada Hargaysa.
Waxaa shirkan soo qaban qaabiyay Baanka adduunka kaas oo horu-dhac u noqon doona mashruuc maalgashi oo baanka adduunku ka fulinayo Somaliland.

Mr Bitar Maushi oo ah madaxa mashruuca horumarinta hantida gaarka ah ee baanka adduunka ayaa ka warbixiyay ujeedada laga leeyahay kobcinta hantida gaarka ah waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan lacag gaadhaysa ilaa Shan Milyan oo dollar,taas oo loogu talo galay in kor loogu soo qaado hantiilayaasha iyo ganacsatada.

Najiib Xasan Xaashi oo ah Madaxa Mashruucan uu baanka adduunku ka wado Somaliland, iyo David Filibis oo halkaasi ka hadlay ayaa ka qayb galayaasha sharax ka siiyay shuruudaha looga baahan yahay in dhaqaalaha ganacsatada kor loo soo qaadayo iyo Nidaamka uu marayaba.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com