Ururka ay ku bahoobeen Hilibleyaasha Hargeysa oo ka hadlay Adeegyadda ay bulshadda u hayaan

Hargeysa (Somaliland.Org)- Maareeyaha Guud Ururka Hilibleyaasha Hargeysa ee NAFAQO Maxamuud Xasan Cali, ayaa ka hadlay xaaladda ururkooda oo ay xubno ka yihiin hilibleyaasha ka hawl-gala suuqyadda Hargeysa.

Mr. Maxamuud Xasan Cali oo u waramayay shabakada wararka ee Somaliland.Org waxa uu ugu horayn ka hadlay aasaaskii ururkooda waxaanu yidhi “Waxa Ururkan Nafaqo waxa la abuuray sannadihii Lixdimeeyadii wakhtigaa illaa maantana waxay ka shaqaynaysey waxa weeye arrimaha Hilinbka iyo wixii la hal ,sababaha loo sameeyeyna waxa weeye sidii ay bulshadda islaamka ah gaar ahaana shacbiga reer Somaliland u heli lahaayeen hilib daray ah oo saafiya isla markaasina xalaal in loo qalo“maadama oo aanu nahay dad hiliblayaala waxa nalooga baahan yahay inaanu bushadda aanu u adeegno u keeno hilib Caafimaad qaba
Ururkan Nafaqo-na marba marka ka dambaysa wuu isa soo badbadalayey oo wuxuu soo maray marxaladdo kala gadisan ,laakiin maanta waa illahay mahadii oo wuxuu marayaa halkii ugu fiicnayd ururka nafaqo ee hiliblayaashu maanta waxa uu rabaa inuu la jaan qaado caalamka iyo casrigaba oo u shaqeeyo sida shirkaddaha hilibka ee caalamka isla markaasina aanu noqono dad ganacsadayaala oo bulshadda si nadiifa ugu shaqeeya iyaguna ka shaqaysta.”

Mr.Maxamuud,oo la waydiiyey noocyadda Adeegyadda ay bulshadda u qabtaan waxa uu ku jawaabay.“adeegyadda aanu umadda u qabanaa waxa weeye qalista Hilibka noocyadiisa kala duwan iyo iibsashadda Xoolaha nool.Qalista hilibka Geela,Qalista hilibka Lo’da,Qalista hilibka Adhiga.”

Mr.Maxamuud oo ka jawaabayey Su’aal ahayd ma jiraan waxa cabasho ah urur ahaan u soo jeedinaysaan Xukumadda waxa uu yidhi. “Haa runtii way jiraan oo waxaanu qabnaa cabasho fara badan oo dhinaca Adeega aanu ku shaqayno,sida Sariibadaha Hilibka aanu ku qalno oo u baahan dayac tir markaa waxaanu u baahanahay in loo dhiso Sariibadaha,iyo Adeega aanu ku shaqayno oo dhan kuwaaso dhamaantood u baahan in lagu sameeyo dayac tir balaadhan.waxa kaloo aanu u baahanahay meel aanu galinka dambe marka la maydhayo sariibaha aanu dhigano Hilibka inta soo gaadha galinka dambe maxaa yeelay meel kasta waxa naga fadhiistay dad hortayadii aanu wax dhigan lahayn dad ayaa hor dagay dhabarkayagii la daalig hareerihi ka daran markaa dhan walba waa nalaga haystaa taasina waxay khatar galinaysaa adeegii aanu bulshadda u qabanayney caafimaadkiisii iyo nadaafadiisii,markaa waxaanu dawladda Hoose ka codsanaynaa iyo cidkastoo ay khusayso inay naga raraan dadkan na hordagay ee shaqadayadii xanibay,waxaanu leenahay yaan laga baqan rarista dadka meelaha khaldan daran oo sidayadii oo kale ha loo raro waxa kaloo aanu Dawladda Hoose codsanaynaa in sariibadaha naluugu sameeyo qasabadihii biya.”

Mr.Maxamuud oo la wadiiyey waxa u qabsoomay nafaqo ahaan mudadii ay xilka hayeen waxaanu ku jawaabay oo uu yidhi. “Runtii mudadii aanu jirnay maamul ahaan wax badan ayaa noo qabsoomay oo markii u horeysay waxaanu ku guulaysanay in aanu Sariibad kasta u samaysno maamul gaara oo aanu kala xidhiidhno hadba wixii baahiyo ah ee ka jira sariibadaha,waxa kaloo aanu samaynay sadex Xafiis oo ururku leeyahay oo shaqeeya sidoo kale waxaanu dayac tir ku samayney sariibadaha,waxa kaloo aanu tobabaro kala duwan siinay 80 ka mida shaqaalaha qala Hilibka kuwaaso loo tobabaray hababka ugu fiican ee loo qalo Xoolaha noocyadooda kala duwan iyo sidoo kale qaabka Hargaha looga bixiyo,sidoo kale waxaanu dhawaan ka hirgalin doonaa xarunta saylada xoolaha goob caafimaad oo aanu xoolaha ku baadhno mara aanu iibsanayno ,xukumad ahaana waxaanu ka codsanaynaa inay gacan naga siiso.”

“Horta sidaad ka warqabtaan dalkeenu ganacsiga ugu badan ee uu qabtaa waa xoolaha nool xoolihina hadii aan la dhaqin oo la cuna uun dee way dhamaanayaan oo waxaynu soo cunaynay uun ku dhawaad 150 sanno taasoo maalin kasta la qalo marka laysku daro Geela,Lo’da,Adhiga 1500 kun iyo shan boqol oo neef markaa dee hadii aan waxba lagu soo kordhin oo la cuna uun way dabar go’ayaa xoolihi markaa anaga urur ahaan waxa noo qorshaysan inaanu abuurno habkii loo samayn la haa Xoola dhaqis,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Ururka Nafaqo.
Maxammuud oo aanu wax ka waydiinay qiimaha uu marayo ama la kala siisanayo neefka adhiga ahi waxa uu ku jawaabay “Runtii sidaynu ka warqabno qiimaha adhigu waa dhawr nooc oo adhigan imika sayladda jooga waxaa la kala siistay 62 doolar oo u dhiganta 300,000 Somaliland shilling ah, sideedaba sayladduna waa laba qofba waxay ku heshiiyaan, waana sadex darajo oo kala sareeya oo qaarbaa ah 45 doolar halka kuwa kale noqonayaan dhawr iyo soddon.”

Guddoomiyaha Ururka Nafaqo oo ka hadlayay qiimaha iibka neefka Geelaha ah waxa uu yidhi “Dhinaca Geella haddii aynu eegno inkasta oo maalmihii u dambeeyey hoos wax uga yara dheceen hadana neefka geela waxa la kala siisanayey 5000,000, oo Somaliland shillin ah halka darajada ka hoosaysana uu yahay 4000,000 oo Somaliland shilling ah, halka ka ugu hooseeyaana uu yahay 3000,0000 oo Somalialnd shilling ah. Haddii aan idiinka waramo halka laga soo iibiyo ama laga soo waarido waa dhulkeenan Somalialnd, waxaase jira xoogaa yar oo kale oo dalal kale inooga yimaadda, kuwaas oo aan odhan karo inta badan waa dal keenna. Iibkii xooluhu waa sidiisii, abaartaas uun baa hoos u yara dhigtay ee waxyeelo kale ma jirto. Qiimaha qaalinta dhaqmaadka ah waxa lakala siisanayaa 3300000 waana qaalmaha rimman ee dhaqmaadka ah.

Guddoomiyahu mar uu ka hadlayay qiimaha iibka neefka Lo’ada ah waxa uu yidhi “Dhinaca neefka Lo’da ah hadii aynu eego hada ma jirto halkan wax Lo’ ah oo laga dhoofiyaa, maxaa yeelay waa xili abaareed jiilaal ah oo lo’du sideedaba Hilib mooyee wax kale ma laha markaa waxa halkan la keena oo kaliya ta la qalayo, Qiimaha ama sixiradda lagu kala iibsadaana waa badan yahay laakiin haddii aynu soo qaadano midda ugu habooni waxa weeye qaalinta wanaagsani lacagteedu ilaa laba malyan iyo laba boqol (20200000 oo kun)
Mr. Maxamuud oo ka hadlay dhibaatada haysata wakhtigan xoolaha, isaga oo arrintaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Dhibaatada ugu wayn ee haysata ay tahay neefkii xoolaha ahaa oo aan haysan meel uu istaago oo dhulkii badidiisii seero laga dhigay oo nin waliba meel ootay, xaqiiqdiina waxa laysugu imanayaa maal iyo noolba waa neefkaa xoolaha ah oo ah laf dhabarta dhaqaale ee waddankeena.

Sidaas darteed, waxaan xukuumadda cusub u soo jeedin lahaa in wax laga qabto caqabadahaa haysata dadkaas reer guuraaga ah ee xoolo dhaqatada ah oo neefkeennii loo daayo daaqsimaadkiisii, haddii taas lawaayana oo wax laga qaban waayo, waxaa la waayi doonaa waxaynu ka iibino caalamka.”

Mr.Maxamuud oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay kaalinta ay shirkad ahaan kaga jiraan horumarinta dalka iyo abuurista fursadaha shaqo wuxuu yidhi “Horta dadku markay ka jawaabayaan su”aalahaaso kale waxay yidhaahdaan kaalin mihiima ayaanu kaga jirnaa laakiin anigu waxaan odhanayaa kaalin wayn ayaanu ka ciyaarnaa hadaanu nahay Ururka Nafaqo isdaaso ay tahay shaqo abuurista ay sameysay Ururka Nafaqo waa mid ku saleysan baahida dadwaynaha runtiina waxa ka shaqaysta Hilibka dad aad u tiro badan waana shaqooyinka ugu badan ee dadku ka ganacsado kuwaaso leh dhalinyaro iyo waayeelba waxa kaloo intaa noo dheer lacagaha aanu ku bixino kootaar biishanka oo aanu ku caawino ,Wadooyin Caafimaadka Waxbarashadda Masiibooyinka Abaaraha iyo wixii la midka ah.”

Mar la waydiiyey su’aal ahayd maxaad fariin gaadhsiinaysaa bulshada aad u adeegtaan gaar ahaana macmiishiina.waxa uu ku jawaabay.”Horta waxaan halkan marka u horeysa salaan iyo duco aad iyo aad u qaaliya aan halkan u marinayaa bulshada reer Somaliland meel kasta oo ay dunida joogaanba gaar ahaanna macmiisha shirkada daryeel sida wax ku oolka ah ee la taaban karo nuugu xidhanyihiin ee noola shaqeeya.”

Axmed Macalin Maxamuud
Somaliland.Org/Hargeysa