Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Oo waxgaradka Wajaale kala hadlay mashruuc biyo gelin ah

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Macdanta,Biyaha iyo Tamarta ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo mas’uuliyiin kale oo weheliyay ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Magaalada Tog wajaale.

Wasiirka oo ay weheliyaan Badhasaabka Gobolka Gebilay Xuseen Cumar Magan,Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Faysal Kaamil Ciise iyo madax kale oo tiro badan ujeedada socdaalkooda ayaa la xidhiidhay sidii ay madaxda dhaqanka,Ganacsatada iyo qaybaha bulshada oo ay kala hadlayeen qorshaha biyo gelinta Wajaale oo sannadkan gudihiisa la rajaynayo in la hirgaliyo.

Kulan ka dhacay xarunta dawlada hoose ee Magaalada Wajaale ayaa Wasiirka Macdanta iyo biyaha ee Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay in biyo galinta magaalada Wajaale uu ku amray Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland isagoo xusay inay soo dhamaystireen qorshihii biyo gelinta wajaale iyo kharashka ku baxaya oo dhan Laba Milyan oo dollar.

Badhasaabka Gobolka Gebilay Xuseen Cumar Magan ayaa soo dhaweeyay sida ay xukuumada Somaliland uga go’an tahay in degmada wajaale loo sameeyo biyo gelin waxaanu ku guubaabiyay bulshada ku nool magaalada wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen ka midho dhalinta hindisahan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


TOP