Wakiillada Oo Warbixin Ka Dhagaystay Mudanayaal Ku Soo Laabtay Safar Shaqo

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada oo safar ku tegay goboladii laga soo doortay ayaa shalay warbixin ka hor jeediyay fadhigii shalay ee golaha wakiilada.

Fadhigaasi oo uu shir-guddoominaayay Guddoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro), ayaa waxa fadhigaa warbixin ka soo jeediyay xildhinaanadii safarka shaqu ugu baxay gobolada Saaxil iyo Saraar, muddadii uu Goluhu ku jiray fasaxa.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble kana mid ahaa xildhibaanadii safarka shaqo ku soo maray Gobolka Saaxil oo ah gobolka laga soo doortay ayaa golaha ka hor akhriyay warbixin dheer oo ay ka soo uruuriyeen xaaladaha nabadyada, caafimaadka, waxbarshada, wadooyinka iyo dhamaan adeegyada kala duwan ee bulshada deegaanadii ay soo mareen.

Guddoomiyaha Guddi hoosaadka arrimaha gudaha nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Wakiilada isla markaana hogaaminayay weftiga ka socday golaha wakiilada ee socdaalka ku soo gaalaa bixiyay jiidaha gobolka Saaxil Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa tilmaamay in xaalada Nabadgalyo ee gobolkaasi ay aad u wanaagsan tahay.

isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Xaalada guud ee dhinaca amniga Gobolka Saaxil waa mid aad u saraysa oo amaankeedu uu yahay mid sugan, dadka gobolkaasi ku dhaqana iyagaa amnigoo ilaashada oo dhamaantood meel bay ugu soo wada jeedaan waxkasta oo ay ka shakiyaan in uu amnigooda wax yeelayo, Berberi waxay gobolada kale kaga duwantahay la iskuma qabsado dhulka, kaas oo gobolada kale inta badan ay ka dhacaan isku dhacyo ay sababeen isku qabsi dhulka kaas oo sababa dhimasho iyo dhaawac, Berbera inta badan kama dhacaan kiisas dil ah.”

mar uu ka hadlaayay xagga wax barashada ee gobolka Saaxil waxa uu yidhi “Waxbarashada Gobolka waa mid aad u liidata sababta oo ah ma joogaan macalimiitayo leh, mida kale hadii macaliintu ka yimadaan magaalooyinka kale nolasha magaalada berbera oo qaali awgeed iyo waxa uu mushahar u qaadanayo awgeed ayaa sababa in uu qofku ka cararo.”

Mudane Siciid Cilmi Rooble wax uu xusay in hawlaha dhinaca caafimaadku aanay sidii la rabay u shaqayn isla markaana ay gobolkaasi carqaladi ka haysato wadooyinka oo ay shilal badan oo khasaare nafeed sababaa ka dhacaan“Guud ahaan xaalada caafimaadka ee Gobolka Saaxil maaha mid sidii la doonayey u wada shaqeeya, hadda waxaan samaynay laba gaadhi oo Ambulance ah oo ka shaqeeya labada wado ee Bari iyo Galbeed ugu kaca Berbera oo badanaaba shililku ka dhici jireen.Tuulooyinka uu ka koobanyahay gobolkan saaxilna waxaanu degmo walba ku amarnay in ay keensadaan qof degmada u dhashay oo loogu tababro kal-kaaliye caafimaad (Nurse). Si ay tuulada wax uga tarto, sidaa waxaa noo sheegay madaxda Gobolka Saaxil.” Ayuu yidhi Md Siciid Cilmi Rooble.

Xildhibaanku waxaa kale oo uu warbixintiisa ku faah-faahiyay arrimo ay ka mid yihiin horumarka gobolka, arrimaha doorashooyinka, deeqaha ama mucaawinooyinka, Macdanta Gobolka,iyo weliba talo soo jeedin gudidoodu ay ka dalbadeen golaha wakiilada inay ka gacan siiyaan gobolka Saaxil oo dhinaca cimilada kaga duwan gobolada kale.

Dhinaca kalena Xildhibaan Axmed Ducaale Bulaale oo u hadlayay weftiga xildhibaanada ah ee booqday gobolka Saraar ayaa isna ka hadlay waxyaabihii ay la kulmeen waftigoodii u baxay gobolka Saraar, waxa uu ugu horayn ka hadlay xaalada amni ee gobolkaas “Waxa xusid mudan inuu gobolkani xuduud balaadhan la leeyahay gobololad Sool, Buuhoodle iyo dhulbadan oo amnigoodu jilicsanyahay, taas oo ay mar walba ay ka jiraan xaalad amni, waxa gobolkan haysata mushaakil dhul jiifnimo oo ka dhaca niciisa bari taas oo aan loo hayn ciidan ku filan oo wax ka qabto.” Ayuu yidhi xildhibaan Bulaale.

Mudane Axmed Ducaale isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Iyada oo xaaladu ay sidaa tahay waxaa deegaankan ka hawl-gala in kayar 50 booliis ah,waxaanay ku hawlgalaan waxaan gaadhin 10 Littre oo shidaal ah oo uga yimaada taliska ciidanka, waxaa ciidankan haysta dar xumo”

Xildhibaan Axmed Ducaale waxa kale oo uu ka hadlay xaalada garsoor ee gobokaasi waxa uu yidhi “Waxaa gobolkan ka hawl gala hal kaaliye iyo hal garsoore kuwaas oo aan gaadhsiisneyn garsoore heer gobol ah, taasina waxay abuurtay in aanu garsoorahaasi awood u lahayn inuu qaado kiisaska waaweyn taas oo sababtay inay intaas oo maxbuus oo u xidhan kiisas cul-culus ay ku mudo dhaafaan Saldhiga iyada oo aan la horkeenin maxkamad, waxaa jirta in la magacaabay Garsoorayaal cusub oo loo magaacay gobolka Sool kuwaas oo hada ku sugan gudaha Laas-caanood.”

Mar uu ka hadlaayay xaaladda caafimaad ee goboka waxa uu yidhi “Caafimaafku waa halbawlaha nolosha ee bili’aadamka waxaa Gobolka Saraar waxa haysata mushkilad caafimaad, taas oo ka dhalatay tirada cisbitaalada ee gobolka ku yaala oo aad u yar marka laga reebo hal isbitaal oo ku yaala magaalo madaxda Gobolka Saraar ee Caynabo, kaas oo aanay u dhamayn waxyaabihii uu lahaa cisbitaal, sida daawooyinka oo haba yaraatee aanay Wasaarada Caafimaadku waxay gaadhsiisaaba aanu jirin, waxaa dhisme deyr ah uu ku socdaa Spitalkan kaas oo ay dadweynaha qurbaha degan ee gobolkan u dhashay ay ku xidhayaan, waxaa kale oo xusid mudan in aanay Wasaaradda caafimaadka ee JSL aanay warba ka hayn in uu Cisbitaal kajiro magaalada Caynabo.”

“Waxbarashadu waa waxa ay ku haruumarto ama ku dib dhacdo bulshadu, gobolkan kuyaala laba Dugsi sare oo kala ah GUUTAALE SOCANDARY SCHOOL iyo dugsiga lale oo ku yaal degmada Oog . waxaa kale oo laga helayaa Schoolo gaar loo leeyahay oo ku yaala magaalo madaxdiisa kuwaas oo aan buuxin Karin baahida wax barasho ee gobolkan ka jirta, guud ahaan Schoolada gobolkani ku yaalaa mahaystaan macalimiin ku filan.” Ayuu yidhi mar uu ka hadlayay xaalada waxbarasho ee gobolkaas.

Axmed Ducaale Bulaale waxa uu waxbixintaa ku soo qaaday xaalada xoolo dhaqatada iyo beeralayda ee gobolka saraar isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi“Gobolkani waxa uu ku caan yahay dhaqashada xoolaha nool, hadana wax soo saarka beeraha waxa gobolku ka marayaa meel fiican iyada oo ay hore u jirtey in khudrada laga keeno galbeed iyo dhinaca Burco hada waxay reer Caynabo khudrada u diraan Burco, xaga cuntada waxa kasoo go’ay Hadhuudh,Digir,Si’sin,Xabxab.Galay iyo Bariis. Waxay hay’ada DRC ay beeraleyda gobolka u qaybisay qalab iyo mishiino iyo tababaro ay u qabatay qaar kamida beeralayda gobolka.”

Gaba-gabadii fadhigaas ayaa gudoomihi mudane yaasha ku war galiyay in goluhu fadhiyo ka yeelan doono xaalada uu dalku sugan yahay, loona yeedhi doono masuuliyiinta qaran ee ay arrimahani quseeyaan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com