Deeq Lacageed Oo Loo Fidiyay Askar Ka Dhaawacmay Ciidanka Qaranka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheer ayaa maanta Gaadhsiiyay Lacag Deeq ah Dhaawacyda Askarta Ciidanka Qaranka ee ku Jira Cisbitaalka guud ee magaalada Burco, waxaan adeeqdani ay ahayd mid ay goob joog ka ahaayeen bixinteeda Gudoomiyha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir iyo Ku Xigeenkiisa Maxamed Maxamed Maxamuud Yuusuf Ubaxle.

sida uu ku soo waramay weriyahayaga gobolka Togdheer Maxamed Cawad Maxamed,Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Togdheer waxa halkaasi warbixin ka siiyay xaaladda bukaanadan iyo dhaawacyada ay qabaan maamulaha cisbitaalkani Xasan Ismaaciil Cawaale waxaanu sheegay in mudada Todobaadka ah ee dhaawacyadani ay ku sugnaayeen magaalada Burco loo fidiyay daawayn balaadhan islamarkaan ay haatan qaarkoodba ka bogsadeen dhaawacyadaasi.

Gudoomiyha Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo isna ka hadlayay gudoonsiinta lacagtani ka dib ayaa sheegay in booqashadoodani ay tahay mid ay ugu kuur galayaan xaalada dhaawaca ciidanka qaranka islamrakaana ay gudoonsiinayaan kaalmo waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Waxaan ILLAAHAY idiinka rajaynayaa in dhaawacyadiina uu idinka bogsiiyo waxaanan halkan maanta tacsi uga dirayaa dhamaanba Askartii ciidanka Qaranka ee iyagu ku geeriyootay dagaalkaasi iyo cid kasat oo ku dhimatayba kuwaasi oo dhamaantoodba ah dad reer Somaliland ILLAAHAYNA waxaan uga baryaynaa in samair iyo imaan u ka siiyo qoysaskii ay ka baxeen iyo qarankaba”

Waxa kale oo uu gudoomiyaha Gobolka Togdheer ku Bogaadiyay askarta ciidanka Qaranka Somaliland sida ay hadh iyo habeenba heegaanka ugu yihiin difaacada qaranimada Somaliland iyo jiritaankeeda taasi oo ah waajib wada saaran dhamaanba Muwaadiniit reer Somaliland.

Deeqdan lacageed ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee la soo gaadhsiiyo askarta dhaawaca ah ee ciidanka Qaranka Somaliland ee hataani ku sugan Cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com