Somaliland Waa Qaran isku Kalsoon oo ka Qaybgali Kara Shirka London

Ninka damaca meel dheer
Kala soo dalwaday iyo
Dagaal oogayaashaas
Dibadaha ka yimi iyo
Dalka kii dhex joogee
Maskax aan dihnayn iyo
Iblays diiradiisii
Sawir kale ku daartoow
Digniin hayga noqotee
Ninkaad doob u lulayseed
Dagaal ugu bu’aysaa
Dadku waa dadkii aan
Lagu soo degdegi jirin
Diriraha Colaadaha
Intay dunida joogeen
Digniin lagu wax qaatiyo
Deris adag ka dhigi jiray

(Abwaan Salmaan Xasan)

Waxaabad moodaa in mar kale Cadawgii ummada reer Somaliland ay isu soo habar wacdeen sidii ay u dhaawici lahaayeen Qaranimada, Nabadgelyada, Madaxbanaanida iyo Horumarka Somaliland oo Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay ay dadweynaha reer Somaliland ku soo tabcayeen, kuna soo gaadheen heerka wanaagsan ee ay dhinac kasta ka gaadheen, iyaga oo markii ay isku tashadeen ee ay dalkoodii dhisteen, dhaqaalahoodiina kobciyeen ay hadana awood u yeesheen inay gacan u fidiyaan dalalka deriska ah sida dalka Soomaaliya oo ay ka caawiyeen macaluusha ka dilaacaday oo ay ugu deeqeen boqolaal kun oo doolar, sidoo kalana shacbiga reer Somaliland waxay gacan taas la mid ah u fidiyeen dalka Jabuuti markii ay qiiq-qiirka galeen ee uu dalka Calatariya (Eritrea) dhullka ka qabsaday sanado yar ka hor, taasoo reer Somaliland ay xoolo nool oo kumanaan ah ay ugu deeqeen Ciidamada Jabuuti, sidoo kalana ay u ballan qaadeen in ay taageero ciidan u fidin doonaan haddii dalka Jabuuti uu amaankiisu halis galo, taasoo ah waajib saaran reer Somaliland iyaga oo xiligii gobonimada Jabuutina kaalin weyn ka qaatay.

Horumarka balaadhan ee ay Jamhuuriyada Somaliland ku talaabsatay mudada ay jirtay waxay sumcad usoo jiiday guud ahaan qaarada Afrika gaar ahaan geeska Afrika oo ay ragaadiyeen colaado, macaluul, dib u dhac , waxaa kale oo Somaliland ka hirgalay nidaamka dimuqraadiga ah oo dhimbiil dab ah ku noqday kaligood taliyayaasha qaarada Afrika ka jira, kuwaasoo iyaguna dhinacooda u Rabbi tuugaya in nuurka Somaliland uu bakhtiyo. Inkasta oo si weyn loo hubo in Calanka Somaliland uu jiri doono tan iyo Qiyaamaha, dadweynaha reer Somaliland ay diyaar u yihiin in ay dhiiggooda u daadiyaan difaaca iyo ilaalinta Madaxbanaanidoona qaaliga ah.

Hadaba waxaa mudan inay faallo yar ka bixino arrimaha ugu waaweyn ee reer Somaliland ay hadal hayeen muddooyinkii la soo dhaafay, inaga oo si gaar ah u eegi doonaa, dagaalka wajiyada badan ee lagu soo qaaday Ummada reer Somaliland, dagaalkaas oo isugu jira dagaal Siyaasadeed, dagaal Nafsi ah , dagaal milatari iyo waliba dagaal beeneed ka kooban dacaayado iyo marin habaabin la isku dayayo in lagu niyad jabiyo reer Somaliland.

1. Khaatumo-Seeg:

Waxaa la yaab lahaa oo dad badan u qaadanwaa ku noqotay markii ay Telefishinada iyo laamaha kala gadisan ee warbaahinta ay ka arkeen Prof. Cali Khaliif Galaydh iyo koox la socotay oo isku magacaabay G7 oo umaddu ay u arkaysay inay yihiin aqoonyahano ay intay Maraykan ka soo duuleen ay Comiyuutarro iyo Laptopyo la hor fadhiisteen dadweyne darayaysan iyo odayaal waayeel u badan oo baahi badani hayso oo ku sugnaa tuulada Taleex, iyada oo halkii laga filayay inay baahida deegaanka taalla wax ka qabtaan oo ay bulshada ka caawiyaan dhinaca Caafimaadka iyo Waxbarashada, balse ay ku talaabsadeen nasiib darro weyn oo inay wax u taraan ha joogtee oo ay ka kala tuureen Nabadgelyadii deegaanka ka jirtay iyaga oo qori dab leh kala dhex dhigay bulshadii Nabada ku wada noolayd, waxaanay sheegeen inay ku dhawaaqeen waxa dad badani imika u yaqaano Khaatu-seeg taasoo durba sahayatay nafo badan oo muslimiin ah, waxaana Cali Khaliif iyo Qurba joogtii la socotay ay durba agoomeeyeen carruur badan, waxaana ay qax iyo qalalaaso galiyeen dadyowgii nabada ku sugnaa ee degmada Buuhoodle, halka qurbajoogtii fidnada abaabushay ay noqdeen qaar dalalkii ay ka yimaadeen dib ugu noqda iyo qaar ay nafi baday inay Itoobiya orod ku galaan, markii ay xamili waayeen xabada ciidamada Qaranka Somaliland. Cali Khaliif oo isagu ah siyaasi ku suntan musuq-maasuqa, horena ugu fashilmay siyaasada Soomaaliya ayaa ujeedada uu fidnada u hurinayay ay ku qotontaa sidii uu xil uga heli lahaa xukuumada Shariifyada ee muqdisho go’doonka ku ah, isaga oo aan marnaba ka fikirin Khaatumo xumada uu ficililkiisu u keenay bulshada.

2. Colaada Shariifyada Muqdisho

Inkasta oo dawlad ku sheegta ay Shariifyadu hor boodaan ee meel ay ka talisaa aanay jirin, marka laga reebo magaalada Muqdisho oo ay magan ku yihiin , taasoo xataa aanay si xor ah u dhex socon karin Muqdisho laf ahaanteeda haddii aanay galbinayn taangiyo askar afrikaan ahi wadaan, sidoo kalana dawlad ku sheegtaas ku meel gaadhka ah oo u muuqata mid maalmaheedu ay sii gurmayaan oo lagu wado inay daaqada ka baxdo bisha Ogosto (August) ee sanadkan oo mudadii loo qabtay ay ku buuxdo, ayaa waxaa fajiciso ku noqotay dadweynaha reer Somaliland cadaawada yaabka leh ee kasoo burqanaysa xukuumad ku sheegta Sheekh Shariif oo si cad ugu dhawaaqday inay Khal-Khaliyaan horumarka iyo Nabadgelyada Somaliland, waxaana maamulka Shariif uu bilaabay inuu u gacan haadiyo qof kasta oo maleegaya dhibaato ka dhacda Somaliland, isaga oo si cad Muqdisho ugu soo dhaweeyay kooxaha nabad diidka ah ee dibad wareega ah ee sheegta inay Somaliland kasoo horjeedaan.

Sheekh Shariif iyo kooxdiisu waxay u muuqdaan qaar durba hilmaamay dhagartii iyo dhibaatadii ay Soomaaliya ku kacday reer Somaliland, waxaa kale oo ay hilmaameen in reer Somaliland ay yihiin Qaran isku kalsoon oo awood u leh inay dhirbaaxo kulul ku dhuftaan cid kasta oo faraha la soo gasha xuduudahooda dhuleed, cireed iyo badeed, iyada oo sidoo kalana ay umada reer Somaliland yihiin bulsho Nabadeed oo jecel horumarka iyo Nabadgelyada, hase yeeshee afka dhulka u darta cid kasta oo kusoo xad gudubta, waxaana lagama maarmaan ah in wadaadka Dhagarqabaha ah ee Sheekh Shariif uu ka waantoobo wixii sii kala fogaynaya labada Shacab ee Walaalaha ah, sidoo kalana aanuu isku dayin inuu qaniino gacantii quudinaysay shalayto shacbkiisa ay gaajada iyo colaaduhu ay ragaadiyeen.

3. Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland

Dagaalka Nafsiga ah ee beenta ah ee shacbiga reer Somaliland lagu soo qaaday waxaa ka mid ah iyaga oo cadawga Somaliland gaar ahaan kuwa la baxay Khaatumo-seeg iyo kuwa la midka ahi ay meel kasta ka sheegeen in Itoobiya ay iyaga taageerayso, waxaa kale oo ay sheegtaan in Itoobiya ay gacan siinayso kooxahaas, sidoo kalana waxay yidhaahdaan xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya u dhexeeyay ayaa xumaaday! Waxaa hubaal ah in sheegashada caynkan ahi ay tilmaan cad ka bixinayso sida ay naf la caaridka u yihiin kooxahan fashilmay, waxaa is weydiin mudan oo ay tahay in si fiican loo fahmo waxa ay Khaatumo-Seeg State u kordhin karto Itoobiya? Waa maxay danta Itoobiya ugu jirta inay taageerto koox yar oo aan jirin oo go’doon ah? Maxay Itoobiya uga baahan tahay ama ay ka faaiidi kartaa Khaatumoseeg State xataa hadii maamul ku sheegaasi hir gali lahaa? Deked iyo Bad iyo Dhaqaale toona ma laha, wax ay Itoobiya ka helayso xidhiidh ay kooxdaas la yeelato oo muuqdaa ma jirto haba yaraatee, waxaana muuqata inay ku kedsoomeen Transitka ay ku mareen kililka shanaad ee itoobiya, iyaga oo hilmaansan in Itoobiya ay tahay dal u furan qof kasta oo si nabadgelyo ah ku dhex maraya, socdaalka ay kooxda G7 ee Cali Khaliif horboodayaa ay ku mareen Itoobiyana waxba kama duwana socdaalka caadiga ah ee qof kasta oo Fiiso itoobiya ah qaataa uu ku dhex maro Itoobiya. Maamulka kililka Shanaad ee Itoobiyana xataa hadii uu jeclaan lahaa inuu caawiyo kooxdan, awood uma laha waxaana uu ku qasban yahay inuu raaco siyaasada guud ee Itoobiya, waana mid uu ku khasban yahay oo aan laga baryayn inuu fuliyo oo uu ixtiraamo heshiisyada dhex maray Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya.

Haddii aynu eegno Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland ka dhexeeyaa waa xidhiidh Jirrido adag ku taagan oo labaatan jirsaday, waana xidhiidh Talantaali ah oo ku qotoma Maslaxada sare ee labada Shacbi iyo labada Dal ee Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kalana waxa labada caasimadood ee labada dal ku kala yaala laba safaaradood oo u khidmeeya labada umadood, waana xidhiidh qoto dheer oo dhinac kasta ah sida Xidhiidh dhaqaale, Xidhiidh Nabadgelyo, Xidhiidh Siyaasadeed iyo Xidhiidh Milatari, suurto galna maaha in dalna uu ku kaco wax kasoo horjeeda nabadgelyada iyo horumarka dalka kale, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in maanka lagu hayo in xukuumadaha Itoobiya iyo Somalilandba ay ogsoon yihiin in ay ay wada saaran yihiin dooni qudha, oo dhibta mid ka mid ah soo gaadhaa ay saamayn weyn ku yeelanayso dalka kale, waxaana waajib ah ku ah Xukuumadaha Somaliland iyo Itoobiya inay sii xoojiyaan xidhiidhka wanaagsan ee u dhexeeya, kana hor tagaan wax kasta oo wax u dhimaya Nabadgelyada iyo Horumarka labada Dal.

4. Shirka Arrimaha Somalida ku saabsan UK lagu qabanayo

Hubaal waxaa ah in Shirkani uu yahay mid aad u mihiim ah, waxaana nasiib wanaag ah in dawlada Britain ay tahay dal saaxiib la ah Jamhuuriyada Somaliland, iyaga oo si fiican ula socda qadiyada Somaliland, waxaana lagama maarmaan ah in Xukuumada Somaliland ay goobjooge ka noqoto shirkan, caalamkana loogu soo bandhigo sida ay Madaxbanaanida Somaliland u tahay mid lama taabtaan ah, waxaa kale oo lagama maarmaan ah in Xukumada Somaliland ay shirkan caalamiga ah soo hordhigto barnaamuj dhamays tiran oo ku saabsan sidii ay dunidu wax ula qaban lahayd Somaliland, sida dhinaca Horumarka Dhaqaalaha, Nabadgelyada, Caafimaadka iyo Waxbarashada, shirkan oo Somaliland ay kasoo qayb gasho macnaheedu maaha inaynu qayb ka nahay Soomaaliya, ma jirto cid Somaliland ku qasbi karta inay Soomaaliya dib ula middowdo, waxaanan ugu baaqayaa xukuumada Somaliland inay wafdi culus usoo dirto shirkan UK ka dhacaya, si balaadhana ugu soo bandhigto rabitaanka shacbiga Somaliland ee ku qotonta Madaxbanaanida Somaliland

Kaysar Cabdilaahi
Bristol. UK
kaysar@europe.com