Gudida Joogtada ee Guurtida Oo Kormeer ku tagay Warshada SBI

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland ayaa maanta kormeer hawleed ku tagay xarunta shirkada wadaniga ah ee SBI ee ku deegaanka Jaleelo.

Gudoomiyaha Gudidan joogtada ah ee Golaha Guurtidda Xildhibaan Muxumed aw Axmed oo ay weheliyaan Gudoomiye ku xigeenka gudidaas Mudane C/Casiis Maxamed Gaaxnuug booshcade iyo xildhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa ujeedada kormeerkoodu waxay salka ku haysaa sidii ay u soo indho indhayn lahaayeen hawsha maalgashi ee Shirkadani ay dalka ka hirgalisay.

Gudoomiye ku xigeenka gudidaas Mudane C/Casiis Maxamed booshcade oo saxaafada uga waramay kormeerkoodan ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in Ganacsatada reer Somaliland ay maal galin ku sameeyaan dalkooda si ay u abuuraan ayuu yidhi xirfado shaqo oo ay da’a yar badani ka faa’iidaystaan.

Gudoomiye ku xigeenka gudida joogtada ah ee golaha Guurtidu waxa uu xusay inay Xukuumada kala hadli doonaan waxyaabaha ay Shirkadani u baahan tahay in laga taageero.

Guddoomiye Ku xigeenku wuxuu sheegay inay warbixin ka dhegaysteen masuuliyiint shirkadaasi isla markaana ay wixii ay ku soo arkeen uga warami doonaan Golaha Guurtida markay ka soo noqdaan fasaxa ay ku jiraan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com