“Haddii aannu iska hornimaadno cadaw-gayaga uma naxariisanno kamana baqanno..”

Hargeysa (Somaliland.Org) Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Somaliland Md. Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), ayaa sheegay in Genaral Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) oo hoggaaminayey dagaalladii 1988-kii Somaliland ay ka fulisay dawladdii Maxamed Siyaas Barre, ugu hanjabtay inaanay Somaliland daandaansiga aqoon, hase ahaatee, ay taqaanno sida cawgeeda la isaga celiyo.

Wasiirka Kalluumaysigu wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu la hadlayay Saxaafada waxaanu yidhi “Moorgan oo 1988-kii xasuuqa uu ka sameeyay Goballadan (Somaliland) la ogaa ayaa maantana Tiifiiyada soo fadhiisanaya isaga oo Saraakiil isku wareejiyay u soo goohaaya colaad ay Puntland dabada ka waddo, waxaannu leenahay Walaallayaal waxaasi wax idinka idin-anfaca maaha, annagana wax na-anfacaaya maaha. Dadka colaadda u soo goohaya waxaannu uga digaynaa annagu cid maddoonanno oo ma jeclin inaannu cadaw yeelanno, haddannu yeelanno oo Illaahay-ba ka dhigo oo aannu iska hornimaadno cadaw-gayaga uma naxariisanno kamana baqanno, waddankayagana waannu difaacnaa ee waxaannu leenahay wallaalayaal nabadda ayaa innoo wada dana.”

Wasiir Geel-jire oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Puntland in badan ayaanu wallaal tinimada ugu baqaynay iyo in la illaaliyo wanaaga laakiin waxa muuqata in mar walba ay wanaaga iyo wallaal nimada ay ka jeclaysanayaan colaad.waxa layaaba in dadkayaga sijoogta ah ay ugu kicinayaan qabyaalad oo ay doonayaan inay wanaagayaga baabi’iyaan oo ummada kiciyaan iyo inay sheegtaan dad Somaliland oo waad ogaydeen in mar-wlaba ay sheeganayaan Gobalo sida ay ka sheeganayaa dalka Soomaaliya oo ay yidhaahdaan dad aanu isir wadaagno ayaa dagan oo waxa ay dagaalo ku hayeen waad ogaydeen, waa dal jira oo ay xuduudihiisu ay cadyihiin oo dadkii lahaa ay badheedh ugu heshiyeen Wakhti aan dhawayn oo ay dawlad ka samaystaan.”

“Haddana waxay xorriyaddoodii ay la soo noqdeen 31 sano ka dib oo waa dal Calan leh oo Ummadi ay ku heshiisay Nabad iyo wallaalnimo. Waxaannu layaabbannahay waxay dalkayaga ay ku nacebyihiin inuu burburo oo uu colaadgalo iyo in dad kayagu ay baaba’aan waxanu leenahay oo aanu ugu baaqaynaa wallaalayaal ka noqda mar marsiiyaha colaadeed ee aad abaabulaysan oo waanu ognahay inaad colaad abaabulaysan ku salaysan qabyaalad.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Kalluumaysigu Md. Cabdillaahi-Geel-jire.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com