OGAYSIIS:Wargeyskii Ishasomaliland Ee Bisha January Oo Soo-baxay

Magazine-kii ama wargeyskii Ishasomaliland,cadadkiisii bisha January,2012, ayaa soo baxay. Cadadka bishan oo aanu ku soo bandhignay dhinacyo kala duwan, waxa ugu horeeya oo aanu ku eegaynaa shakhsiyaadkii dedaalka muujiyey ee wargeysku ku abaal marinayo sanadkii 2011.

Dhinaca siyaasada waxa la eegayaa shakhsiyaadka soo baxay sanadkii 2011 iyo shakhsiyaadka la waayey. Sidoo kale waxaanu ku eegaynaa tartankii ciyaarihii gobollada Somaliland ee ku qabsoomay Burco iyo waxyaabihii ku cusubaa.

Waxaa kale oo ku jira maqaalkii ka waramayey wasiirada qurba jooga ah ee xukuumada Siilaanyo, qaybtii xusuus waayo hore iyo qoraalo kale oo arrimaha bulshada iyo madaalada la xidhiidha.
Hadba wargeyska Ishasomaliland waxaad ka heli kartaa goobahan soo socda:

Hargeysa : Sacaadadiin Minimarket, Kayse Bushaaro, Jiil-Jadiid, Star, Ambassador, Imperial, Summer time, Hargeisa air Port.

Burao: Barwaaqo Hotel, Nasiye Hotel, Xaaji Computers, Carwo Dubai.

Berbera: Abu Caqli Shop, Berbera air port.

Borama: Mecaad Bookshop, Rays hotel.

Ceerigaabo: Ceerigaabo Hotel.