M/weyne Ku xigeenka Somaliland Oo Dhagax-dhigay Dhismaha cisbitaal weyn oo laga hirgelinayo Hargeysa

Hargeysa(Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay cisbitaal weyn oo laga dhisayo Magaalada Hargeysa oo oo loogu magac daray Maxamed Aadan Sheekh.

Waxa xafladan ka qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1-aad,Golaha Wakiilada, Wasiirka Caafimaadka,Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas, Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi iyo marti sharaf kale .
Madam Filijita oo ahayd Xaaskii uu ka geeriyooday Marxuunka Cisbitaalkan loogu magac daray una dhalatay dalka talyaaniga ayaa sheegtay in Saygeedii uu kula dardaarmay in dhismahan laga hirgaliyo Magaalada Hargaysa.
waxaanay damaanad qaaday inay bixinayaan dhamaanba wixii kharash ku baxaya dhismaha Cisbitaalkan si uu qayb uga qaato hawlaha adeega caafimaad ee ummadu u baahan tahay.
Madam Filijiti waxay intaas ku dartay in mashruucani ka dhashay fikrad uu lahaa Maxamed Aadan Sheekh iyo urur uu hormood u ahaa.
Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhismaha cisbitaalkan oo uu tilmaamay inuu wax weyn ka tari doono baahida caafimaad ee bulshada, waxaanu yidhi “Mudane madaxwayne waxaan kugu soo dhawaynaynaa in aad noo dhagax dhigto cibitaal cusub ee ah dawaynta iyo waxbarashada aqoonta caafimaadka oo wax wayn ka tari doona baahida caafimaad ee caasimada una hawl galeen bulshada reer Torino ee wadanka Talyaaniga uguna horayso filijita taas oo aynu ku xusi doono.waxaanan ILAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii jano ka waraabiyo muwaadinkii lahaa fikradii cisbitaalka.”

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo xafladii dhagax dhiga cisbitaalka dhagax dhigista ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Somaliland Cisbitaal weyn oo casri ah laga hirgaliyo caasimada Somaliland ee Hargaysa, waxa uu madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ILAAHAY uga baryay in marxuunka fikirkan lahaa ee Maxamed Aadan Sheekh uu miisaanka xasanaadka ugu daro cisbitaalkan cusub.
“ Runtii waxaa maanta faraxad noo ah inaan dhagax dhigno cisbitaalkan Dr. Maxamed Aadan Sheekh oo runtii fikirkan sidaa ay sheegtey marwadiisa ka hadhey ALLE ha nu naxariistee uu lahaa in cisbitaal weyn oo caruur badan ama dumarka umulaha ah ama caafimaadka guud ee caasimada inuu wax kabadalo loogu tallo galay,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenku.

Waxa kale oo uu Mudane Saylici u mahadceliyay dawlada Talyaaniga oo kala shaqeysay haweenaydan Talyaaniga ah hirgelinta dhismaha cisbitaalkan.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com